Add new comment
Muqdisho (May 16)-Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Somali-land Daahir Riyaale Kaahin iyo Punt-land Cadde Muuse oo haatan ay booqasho ku joogaan Addis Abeba ee Itoobiya ayaa la filayaa in maanta ama beeri ay si toos ah u kulmaan si ay uga wada hadlaan khilaafka dhuleed oo muddada u dhaxeeyey labada maamul, horeyna u sababay inay isu adeegsadaan dagaal hubeysan.Dawladda Itoobiya oo labada dhinacba gacansaar la leh ayaa in mudda ahba u kala dabqaadaysay si ay isugu soo dhoweeyso aragtiga labada maamul ee ku aadan lahaanshaha deegaanno ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag, hase ahaatee, labada dhinac waxay si aad ugu kala fog yihiin midnimada Soomaaliya iyadoo Punta laand ay aaminsan tahay in midnimada Soomaaliya ay muddas tahay, halka Somali land ay hore u cadadeysay inay ka go'day Soomaaliya.Madaxda maamullada Punt-land iyo Somali -land waxay hore si gaar gaar ah dalka Yaman ay ugula kulmeen madax ka tirsan dalkaasi oo isku dayey inay dhedhexaadiyaan iyadoo Yaman iyo Itoobiya ay ka wada tirsan yihiin Isbaheysi la magac baxay Isbaheysiga Saanca oo laba sano ka hor lagu aasay daalka Yaman.Heshii aan la shaacinin oo Yaman ku soo dhemaray Riyaale iyo madaxda Yaman ayaa khilaaf xoog leh ka dhex abuuray golaha wakiillada ee Somali-land, sida laga soo xigtay warar xogogaal oo laga helay Hargeysa.


