Marka [DMC] 17 July 2007.Waxaa maanta magaalada Marka dib ugu soo laabtey wafdi ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baraawe ka dib markii ay Maamullka Degmada ku soo hubsadeen xaruntiisa, waxaana Maamulka Degmada si nabad ah ku wareejiyey C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo aan muujinin wax diidmo ah haba yaraatee sida ay noo sheegeen wafdiga dib ugu soo laabtey xarunta Gobolka ee Marka.