Inta aan u guda gelin ujeeddada qoraalkayga, waxaan jeclaan lahaa inaan xasuusiyo dadka isku mashquulinaya qoraallada aan faaidada lehayn ee beryahan buux dhaafiyay shabakadaha Baraawapost iyo SSunion dhibaatada dhabta ah ee ka jirta dalkeenna guud ahaan iyo gaar ahaan degmadeena Baraawe.Waan wada ogsoon nahay in dalka Somaaliya gebi ahaanba burburiyey dagaalkii sokeeye ee bilowday sannadka 1990.