Add new comment

05/08/08
Aadan Cusmaan - SSMC-Baraawe
Baraawe [SSMC] 8 May 2008.‘Maamulka’ ka arrimiya Degmada Baraawe ayaan ku xirneyn oo wadashaqeyn buuxda ka dhaxeynin Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose iyo Dowlladda Kumeelgaarka ah, waxaana ‘Maamulkaas’ uu isu madaxbaneeyey dhammaan dhaqdhaqaaqa maamul iyo midka dhaqaaleed ee ay Degmadaasi leedahay.
 
 Malleeshiyaadka Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaan ka howlgalin Degmada, halka ay ka howlgalaan dhammaan Degmooyinka kale ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana Malleeshiyaadka ka howlgala Degmadaas dhammaantoodu yihiin Jufada  uu ka soo jeedo C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo aan haba yaraatee oggoleyn Malleeshiyaad ka madax banaan beeshiisa inay ka shaqeeyaan Degmadaas, marka laga reebo Odeyaal uu wax ka siiyo Canshuuraadka uu ka qaado dadkooda.

Reply


*

  • Allowed HTML tags: <a> <em> <strong> <cite> <code> <ul> <ol> <li> <dl> <dt> <dd> <img> <p> <br>
  • You may link to images on this site using a special syntax
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • Web and e-mail addresses are automatically converted into links.
  • Web and e-mail addresses are automatically converted into links.
  • Lines and paragraphs break automatically.
  • You can use Textile markup to format text.