Burburkii Dowlladdii militeriga ahayd ka dib
Gobolka Shabeellada Hoose wuxuu ahaa goob ay si weyn isugu haysteen kooxo qabaa'illo ah iyo hoggaamiye kooxeedyo, mid kasta uu doonaayey inuu maroorsado, kheyraadka
Gobolku hodanka ku yahay. Haysashada Gobolkan horraantii sagaashameeyadii waxaa ka masuul ahaa hooggaamiye kooxeedkii geeriyoodey, ee
Gen. Maxamed Faarax Ceydiid. Geeridiisa ka dibna waxaa
Gobolka qabsadey kooxo ka mid ah beeshiisa oo inta badan uu awoodda isagu gacanta u geliyey.