Ammaan darro xoog leh iyo cabsi dagaal cusub oo ku soo korodhay Muqdisho
Magaalada Muqdisho oo xaaladeeda nabadgelyo ay aad u liidatay, ayaa haddana maalmahan waxaa ku soo kordhay xaalad ammaan darro xoog leh iyo cabsi dagaal cusub.
Waxaa soo kordhaya dilka iyo afduubka oo muddo laga nastay, waxaana tilmaan noogu filan afduubkii toddobaadkii hore loo geystay wiil arday ah oo 13 jir ah asagoo ku sii jeeda dugsigii uu dhiganayey, waxaana taas ku sii xigtay afduub kale oo loo geystay koox kale oo ilaa iyo hadda la haysto. Dhinaca kale waxaa saakay lagu dilay Degmada Wardhiigley 4 dhallinyaro, iyadoo la dhaabacay 2 kale, kuwaasoo gaari ay saarnaayeen rasaas lagu furay.
Sida aad la socotaan, waxaa magaalada Muqdisho dhexdeeda ka socdo abaabul dagaal oo ay wadaan kooxihii dhowaan ku dagaalamay duleedka magaalada, hase yeeshee markaan waxaad mooddaa in gudaha magaalada ay ka socdaan abaabul xoog leh oo ciidamo iyo hub fara badan lagu soo uruurinayo bartamaha iyo daafaha magaalada. Ma jiraan wax waanwaan ah iyo isku day lagu qaboojinayo abaabulka ka socdo labada dhinac ee Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Isbahaysiga Argagixiso la Dirirka.


