Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo labo sano ka hor dhinacooda dhulka dhigay 25 musharax oo ay ku jirto haweeney (Faallo)

10/10/06
Faallo - DayniileFormat for printing    

Madaxweynaha dowladda federaalka Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa beri magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ay ugu buuxsami doontaa isagoo ku sugan sanadguuradii labaad markii loo doortay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana doorashadaasi oo dhacday 10/10/2004-tii maalinimo Axad ah soona gabo gabowday fiidnimadii habeenkii Isniinta ay ka dhacday Garoonkii ciyaaraha K/koleyga ee Kasaraani Stadium kuna yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana musharaxiintii ka qeyb qaadatay doorashadaasi ay taradoodu gaarayeen 26 musharax oo ay ka dhex muuqatay xildhibaanada Caasha Axmed C/dalla oo iyadu habeenkaasi la hoyatay 2 cod.

 

Doorashadan oo aheyd mid adag ayna ku dhowaad 8 musharax si gaar ah dadku u hadal hayeen ayaa ku bilaabatay Duhurnimadii Axada 10-kii October jawi degan, waxaana codkii 1-aad, 2-aad, 14-aad, 18-aad, 25-aad iyo 26-aad helay madaxweynaha dowladda federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo codkii 26-aad musharaxiinta ku hogaaminayay 6 cod, waxaana ku soo xigay siyaasiga C/llaahi Axmed Cadow oo 4 cod ka aruursaday 26-kii cod ee ugu horeeyey sidoo kale Max’ed Qanyare Afrax ayaa isaguna 3 cod ka aruursaday 26-kii cod ee ugu horeeyay.

 

Codkii 3-aad waxaa helay Jeylaani Cali Kediye, codkii 4-aad waxaa helay Max’ed Qanyare Afrax, codkii 5-aad waxaa helay C/qaasim Salaad Xasan, codkii 6-aad waxaa helay Xuseen Ceydiid, codkii 7-aad waxaa helay C/raxmaan Jaamac Barre, codkii 8-aad waxaa helay Max’ed Qanyare Afrax, codkii 9-aad waxaa helay Ing. Max’ed Xuseen Caddow, codkii 10-aad waxaa helay Ing. Cusmaan Jaamac Cali Kalluun balse maxaa dhacay markaas kadib.?.

 

Musharaxii codka u tirinayay Danjire C/llaahi Axmed Caddow ayaa gacanta loogu riday waraaqihii codadka 11-aad, 12-aad iyo 13-aad, wuxuuna markaasi Danjire Caddow hoggaanka u qabtay musharaxiintii tartameysay walloow wixii ka dambeeyey codkii 14-aad uu hogaanka sii hayay madaxweyne Yuusuf illaa uu ka guuleysto.

 

Wareegii 1-aad wuxuu madaxweyne C/llaahi Yuusuf helay 80 cod, halka Danjire Caddow iyo Qanyare ay ka kala heleen 38 iyo 35, waxaana wareegii 1-aad ku haray 3 musharax oo iska casishay wareegii 2-aad kuwaasoo kala ah, C/raxmaan Jaamac Barre oo helay 19 cod, C/qaasim Salaad Xasan oo helay 16 cod iyo Ing. Caddow oo helay 14 cod.

 

Sidoo kale waxaa ka haray tartanka musharaxiintii soo gaari waayay 14-ka cod oo kala ahaa, Muuse Suudi oo helay 13 cod, Cusmaan Kalluun oo helay 10 cod, Jeylaani Xuseen Ceydiid iyo Jeylaani Cali Kediye oo wada helay min 9 cod, Faarax Sendiko oo helay 8 cod, Max’ed dheere oo helay 6 cod, marxuum Jen. Muumin Ibraahim Isaaq oo helay 4 cod, Duuiye Cabdi guuleed oo helay 3 cod, iyo musharaxiin ay ka mid ahaayeen Al Xaaji Max’ed Yaasiin iyo Caasha Axmed C/dalle oo helay min 2 cod iyo musharixiin kale oo kala helay min 1 cod iyo eber.

 

Sidoo kale, wareegii labaad waxaa ku tartamay 3-dii musharax ee kala aheyd C/llaahi Yuusuf, Danjire C/llaahi Axmed caddow iyo Max’ed Qanyare Afrax, waxayna natiijadu noqotay C/llaahi Yuusuf oo helay 147, C/llaahi Axmed Caddow oo helay 79 cod, iyo Qanyare oo helay 38 cod.

 

Wareegii saddexaad ee ugu dambeeyey waxaa isku soo horay Yuusuf iyo Caddow waxayna natiijadii kama dambeysta aheyd noqotay 189 cod oo uu helay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo 70 cod oo uu helay musharaxii la tartamayay ee Danjire C/llaahi Axmed Caddow.

 

Madaxweynaha ayaa markii la doortay waxa uu si kaftan ah u yiri “Saddex-bey mid noqoneysaa, xilka la ii doortay caawa ama anigoo ku guda jira waajibka la ii doortay ayaan ku nafbaxayaa, ama haddii aan wax qaban waayo baarlamaanka ayaan dib ugu soo celinayaa, ama haddii kale ALLE waa ila garab geli doonaa xilkan 5-ta sano la ii doortay”.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaa labadii sano ee uu xilka hayay waxa uu ku dhameystay magaalooyinka Jowhar iyo Baydhabo, waxayna dad badani is weydiinayaan sabahaha uu madaxweynuhu uga baaqsaday inuu kula dabaal dego munaasabadan magaalada caasimadda u ah dalka Soomaaliya ee Muqdisho oo uu ku soo hor marin, waxaana madaxweynaha 18-kii September 2006-da uu ka badbaaday weerar is miidaamin ah oo loogu geystay ka soo horjeedka xarunta ADC-da Baydhabo.