Xaaladda Gobolka Shabeellada Hoose oo Weli Cakiran: Maxaakiimta oo Difaac Adag Ka Galey Goobo Muhiim Ah.
‘Maamulkii’ Gobolka Shabeellada Hoose iyo qaar ka tirsan Golaha Maxaakiimta oo si wada jir ah u wada shaqeeya, kuwaas oo ujeedadoodu tahay inay mideeyaan ciidamada iyo ‘maamulka’ Gobolka iyo Maxaakiimta ayaan weli u suurtagalin. Arrintaas oo weli socota ayaa weli waxba ka beddelin habkii uu ‘maamulkii’ hore u dhisnaan jirey. Si haddaba xaqiiqda jirta u ogaanno waxaan la xiriirrey xubno ku jira guddiga mideynta Gobolka iyo Maxaakiimta oo tiradoodu tahay 18 qof, waxaana Gobolka kaga jira 4 qof oo laba ka mid yihiin dadka deegaanka labada kalena ay yihiin dadka xoogga ku jooga Gobolka.
Qorshaha la wado ayaa wuxuu ahaa in la mideeyo ciidanka Gobolka oo tiradoodu tahay 700 qof waxaana tirada intaas la eg ay dadka deegaanku ka yihiin 150 qof, halka kuwa kalena ka yihiin 550 qof, waxaana mishaar la siiyey isla maanta, waxaana socda qorshe la isku haysto oo la doonaayo in ‘maaamulka’ Gobolka sidiisa loo daayo ama lagu wareejiyo maamul kale oo ay Maxaakiimtu soo dhisaan.
Mid ka mid ah guddiga maamulka mideynta ku jira ee ka mid ah dadka Gobolka u dhashey ayaa DMC u sheegey inay qaar ka tirsan Maxaakiimtu doonayaan inay maamulka u dhiibaan dadka Hawiyaha ee wadaada oo jooga Gobolka, “arrintaas oo aan annagu si weyn u diidnney”, ayuu yiri.
Sidoo kale xubnaha guddiga Gobolka ka socda islamarkaasna ka tirsan beelaha Koonfurta Soomaaliya ayaa noo sheegey in dakhligii qasnadda dhaxe ku dhaci jirey ee uu Indhacadde qaadan jirey ay weli sideedii tahay.
Sidoo kale xubinkan ayaa noo xaqiijiyey in ciidamo ‘Shabaabku’ leeyahay oo Gobolka la geyn lahaa uu hor istaagey ‘maamulka’ Indhacadde ka amar qaata ayagoo sheegey in ciidamada la geynaayo Gobolka ay ku jiraan kuwii hore ee ka shaqeyn jirey, arrintaas oo si weyn la iskugu qabsadey.
Isku soo duub waxaa meesha ka soo baxdey in ‘wareejinta’ Gobolka uu iska ahaa mid ii dheh ah oo la doonaayey in la iska jeediyo indhaha shacabka Soomaaliyeed iyo caalamkaba, illaa haddana wax isbedeley ma jiraan.
Wararka aan ka heleyno Gobollada Shabeellada Hoose, Baay iyo Jubbooyinka ayaa sheegaya inay halkaas gaareen ciidamo dheeraad ah oo gurmad ah oo ay Maxaakiimtu halkaas u direen kuwaas oo iskugu jira boqolaal baabuur oo ‘tiknikooyin’ ah iyo ciidamo gaaraya dhowr kun ay durbadiiba halkaas gaareen. Warar aan ka soo xiganney ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegayaa in aagga hore ee Leego iyo Haawaay inta u dhaxeysa ciidamo gaaraya illaa shan kun (5000) la dhigey kuwaas oo difaacii ugu dambeeyey galey.
Dhinaca kale waxaa Gobollada Jubbooyinka gaarey ciidamo dheeraad ah oo gurmad ah, kuwaas oo xoojinaaya kuwii horey halkaas ku sugnaa si ay uga qayb qaataan difaaca Gobollada Jubbooyinka. Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabul iyo diyaar gorow loogu jiro sidii difaac adag loogu sammeyn lahaa goobaha ay ka taliyaan Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed.
Waxaayna tani daba joogtey ciidamadii yimid magaalada Buurhakaba, kuwaas oo iskugu jirey ciidanka Dowlladda Kumeelgaarka Soomaaliya iyo kuwa Dowlladda Itoobiya.
Sidoo kale sida aan ka soo xiganney ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in taliyaha ammaanka ee Golaha Maxaakiimta uu xushey Darawallo iyo Gaandheriyaal asagu wadan jirey, wuxuuna raggaas u dhiibayaa baa la yiri baabuurtii uu asagu ku wareejiyey maxaakiimta, iyadoo aan la garaneynin waxa iska beddeley sidii hore iyo hadda sida ay wax yihiin.
Warku wuxuu intaas ku darayaa waxa uu sidaas u yeelaya ay tahay inay raggaas dhammaantood ay yihiin rag asaga ay isku beel yihiin uuna ku kalsoon yahay kuwaas oo haddii xaalad adag timmaaddo badbaadin kara baabuurta hubku saaran yahay. Dhinaca kale waxaa maanta safka hore ee ciidamada Golaha Maxaakiimta tagey Guddoomiyaha Golaha Fulinta ee Maxaakiimta Sheekh Shariif Sheikh Axmed, asagoo u soo akhriyey muxaadirooyin ku saabsan Jihaadka Islaamka.
Dhinaca kale wararka aan ka heleynno Gobollada Jubbooyinka ayaa sheegaya inay ciidamada Barre Hiiraale ay qayb ka mid ah magaalada Saakoow bililiqeysteen, iyadoo halkaas aysan ku sugneyn wax ciidamo Maxaakiimta hase yeeshee aan ka fogeyn.
Isku soo duub waxaa diyaargorowggii ugu dambeeyey ku jira Golaha Maxaakiimta Soomaaaliyeed iyagoo difaac adag ka galey meel kasta oo weerar uga imaan karo; sidoo kale waxaa si isdaba jog ah magaalada soo gaaraya shixnado hub ah oo lagu soo daldalaayo diyaaradaha xamuulka qaada oo aad u waaweyn.
Xafiiska Warqabadka DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Publications
* add new comment »


