Xaaladda Gobolada Jubbooyinka Oo Murugeeysan Iyo Dowladda Oo Dastuurka Wax Ka Bedeli Doonta:

Ciidamo Aad u Farabadan Oo Isku Horfadhiya Goobo Ka Kooban Gobolada Jubbooyinka.


Maxaakiimta Waxaay La Wareegeen Gobolada Koonfurta Soomaaliya Oo Dhan.
10/15/06
Aadan Cusmaan - DMC-MuqdishoFormat for printing    

Ciidan fara badan oo taabacsan Guddoomiyihii hore ee Isbaheysigii burburey ee Dooxada Jubba ayaa waxay xaley ka guureen magaalada Baardheere, waxayna wararku sheegayaan inay duulaan ku yihiin Gobolada Jubbooyinka, waxayna ciidamadani sida warku nagu soo gaarayo ay u qaybsan yihiin saddex raac oo isdabajoog ah waxayna qaybta ugu horreysey durbadiiba gaartey magaalada Saakoow oo Baardheere u jirta 85 km. dhinaca koonfureed.

Waxaa ciidamadaas wata Abbaanduulaha Ciidamada Dooxada Jubba C/llaahi Fartaag. Wararka aan ka heleynno magaalada Baardheere ayaa sheegaya in ciidamada Hiiraale duullaankooodu yahay laba ujeeddo oo kala ah:

1 - Waxay gurmad u yihiin ciidmadii la kala eryey ee fadhiyey nawaaxiga Beerxaani kuwaas oo ku jira meel howd ah oo go’doon ah iyadoo jidka ay ka xirteen taageereyaasha Maxaakiimta ee Afmadow iyo Xagar dabadeedna waxay qaayllo dhaan badbaado u dirsadeen Barre Hiiraale.

2 - Tijaabo ay tijaabinayaan awoodda ciidamada Maxaakiimta taas oo haddii ay u sahlanaato duullaankooda ku sii wadaan illaa magaalada Kismaanyo haddii taas lagu guuleysan waayana lagu dadaalo inay soo badbaadiyaan cidamada go’doonsan.

Dhinaca kale waxaa magaalada Baardheere ka aloosan xasarad ka dhalatey canshuur aad u ballaaran oo uu Barre ku soo rogey baarbuurta iyo bakhaarada ganacsiga magaalada Baardheere kuwaas oo aad ugu calaacaley in aysan bixin karin canshuuraadkaas dheeraadka ah. Sidoo kale Hiiraale ayaa canshuuraadkaas u adeegsanaya dagaalka uu hadda kula jiro Golaaha Maxaakiimta Soomaaliyeed. Isla magaalada Baardheere warar aan  ka heleyno ayaa sheegayaa in shacabka magaaladasi ay Maxaakiimta ka dalbadeen inay soo gaaraan marka laga reebo beesha uu ka dhashey Hiiraale.

Dhinaca kale waxaa diyaargarowgii ugu dambeeyey galey ciidanka Maxaakiimta ka dib markii ay ka war heleen in uu Barre Hiiraale duullaan ku soo yahay Gobolada Jubbooyinka; duullaanka Barre ayaa ku soo beegmey xilli ay ciidamada Itoobiya soo buux dhaafiyeen xuduudda Soomaaliya iyo dalkeeda, iyadoo aan la garaneynin inay iyaguna weeerar soo qaadayaan iyo in kale.
Warar aan ka helney magaalada Baydhaba ayaa sheegayaa in Madaxweymaha Soomaaliya Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo kula taliyey in Waziirka u qaabilsan Dastuurka iyo Arimaha Fidiraalka in uu muddo gaaban ku soo bandhigo isbeddel lagu sammeeyo Dastuurka Xukuumadda Fidiraalka Kumeeklgaarka. Madaxweynaha ayaa C/llaahi Sheikh Ismaaciil ka codsadey inuu isbeddel ku soo sammeeyo qaabka lagu xulan karo Waziirrada iyo doorashada Madaxweynaha oo uu soo dooran karo shacabku halka markii hore uu ka soo dooran jirey Baarlamaanku.

Dastuurka ayaa waxaa bud-dhigge  u ahaa  dagaal oogeyaasha, kuwaas oo Dowlladda iyo xildhibaanimada xirtey. Madaxweynuhu wuxuu Waziirka ka codsadey in la baddelo qodob kasta oo ka hor imaanaya geeddi socodka nabadda Soomaaliyeed, wuxuuna kula dardaarmey in Dastuurku uu caddeeyo in Madaxweynaha iyo Xildhibaannada ay si toos ah u soo dooran karaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu wuxuu arrintaas sabab uga dhigey in waxa ay Dowlladdu shaqadeeda uga soo baxi weyddey ay  ka mid tahay aqoondarrida ay leeyihiin Waziirrada la magacaabey, si taas looga gudbo waa in dowlladda loo furaa aqoonyahannaada ummadda  Soomaaliyeed, wax  weynna ku soo kordhin kara Dowlladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Arrinta Madaxweynuhu soo jeediyey inkasta uu baarlamaanku ansaxin karo diidina karo waxay ku wajahan tahay sida sharci yiqaanno badan tilmaameen in uu doonaayo in baarlamaanku xilka ka qaado marka ay dhammaato saddexda sano ee u hartey, markaasna xaalladdu saamixi weyddo doorasho dadweyne iyadoo sabab looga dhigi karo inaan shacabku u bislaan doorasho ama xaaladda ammaankuba ay suuragelinin, sidaasna ay ku sii jirto dowlladdiisu.

Waxayna tani dhabarjab weyn ku noqoneysaa dagaal oogeyaasha shaley soo xirtey Waziirada Dowlladda wax ay hadda sammeyn karaanna ma jirto maxaa yeeley dhammaantood waxay ka mid noqdeen sacabbooleey ama waxay ka mid noqdeen Beelaha aan hubeysneyn, ka dib markii hubkii ay wax ku maquunin jireen ay kala wareegeen Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed.
kooxdan waxay noqoneysaa laba arrimood midkood:

1-  Inay raacaan oo ay ku qasbanaadaan wax kasta oo uu u meeriyo C/llaahi Yuusuf Axmed oo ay si weyn uga soo horjeedi jireen, haddeerna dani ku qasabtey, waxayna qaarkood aysan tagi karin halkii ay ka talin jireen ee Muqdisho xitaa haddii la cafiyo maxaa yeeley waxay ogyihiin inaan sinaba looga  cafin doonin culumadii ay laayeen ama  ay Mareykanka u dhoofiyeen sida Bashiir Raage, Qanyare, Maxmed Dheere iwm.

2-Inay ayagoo meeshooda jooga la shaqeeyaan Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed, iyagoo aan fulineynin mabda’ooda shaley ee la dagaallanka arggagixisada ee fulinaya danaha beeshooda Hawiye islamarkaasna cafis iyo taageero sidaas uga helaan Golaha Maxaakiimta. Warar aan ka soo xiganney magaalada Baydhaba ayaa sheegaya inay qaarkood si toos ah ula shaqeeyaan Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed waxaana xubnaha la tilmaamey ka mid ah Maxamed Qanyare iyo Cusmaan Xasan Cali Caato.

Isku soo duub beddelaadda dastuurka ee uu Madaxweynuhu dalbadey waxay keeni kartaa khilaaf hor leh oo soo kala dhax gala Baarlmaanka iyo Dowllaadda maxaa yeeley Dowlladda iyo Baarlamaanka ayaa waxaa dhaxdooda haddaba ka muuqda khilaafaad ku saabsan sida ay Dowladdu kula dhaqanto Maxaakiimta rag ka soo horjeedo oo aad u taageersan qaabka shaqo ee Golaha Maxaakiimta, waxaana hadda magaalada Muqdisho ku sugan Xildhibaanno aan tiradoodu ka yareyn 50 oo magaalada Muqdisho kula kulmey xubnaha Shuurada iyo Fulinta Maxaakiimta iyagoo uu dhaxmarey isfahan weyn.

War ka soo baxey xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegaya inuu iska casiley xilkiii uu u hayey DFKMGS dhinaca wadaxaajoodka Dowlladda iyo Golaha Maxaakiimta Islaamka Soomaaliyeed. Sidoo kale waxaa iscasiley Prof. C/raxmaan Xaaji Aaadan “Ibbi” oo ka mid ah guddigaas iyo dhamaan xubnaha kale ee ku jirey guddigaas.

Iscasilaadda xubnaha Dowlladda ayaa timid ka dib markii uu Ra’iisul-Wasaaraha Dowlladda Fidiraalku uu beesha caalamka u sheegey inaysan jirin guddi uu isagu magacaabey oo xilligan la shiraya Golaha Maxaakiimta, kuwa hadda howshaas wada ay yihiin kuwo iskood isku magacaabey, arrintaas oo ay si weyn uga caroodeen  Shariifka iyo guddiga uu horkacaayey. Wadahadallo wada tashi ah ayaa xubnaha guddigani waxay magaalada Nairobi kula yeesheen dhiggooda Golaha Maxaakiimta.

Guddiga ayaa waxaa magacaabey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf markii Dowlladdu ku jirtey qalaalasaha weyn, iyadoo arrimaha saddexda mas’uul lagu heshiisiiyey ay ka mid ahayd magacaabista guddiga wadaxaaajoodka oo uu markaas ka soo horjeedey Cali Maxamed Geeddi. Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wax war ah ka soo saarin sidii ay guddigani isku casileen, kuwaas oo uu markii hore asagu magacaabey guddoomiyahood Shariifka iyo xubnaha ku jira guddiga.

Si kastaba xaalku ha ahaadee waxay xubnahani sheegeen inay baneeyeen xilkii wadaxaajoodka Dowlladda ee ay u xilsaarnaayeen, Mr.Geeddina uu magacaabo qofka uu rabo. Waxayna tani billow u noqon kartaa khilaafyo hor leh oo soo kala dhax gala mas’uuliyiinta Dowlladda taagta daran ee Baydhaba fadhida, waxayna dhabarjab ku noqon kartaa wadaxaajoodka siyaasadeed ee u socdey Dowlladda Kumeelgaarka ah iyo Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed oo awelba cagaha badan ku taagneyn.

Xafiiska Warqabadka DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com