MAXKAMADAHA ISLAAMIGA AH OO DIL FOOL XUN AH U GEYSTEY WIIL DHALINYARO AH EE DEGMADA BARAAWE:
War lagu kalsoon yahay ee laga soo xigtey odeyaasha degmada Baraawe ayaa sheegayaa in shaleyto duhurnimadii magaalada Baraawe si ula kac ah loo toogtey wiil 23 jir ah oo loogu magac dari jirey Maxamed Abdi (Kunyo).
Wiilkaas oo sababta loo toogtey ay ahayd isagoo rooti iyo xalwad ku cunaayey meel luuq ah maalin soon ah. Wararku waxay sheegayaan in wiilkaas uu cararey marki uu arkey maleeshiyada Maxaakiimta oo ku soo fool leh meesha uu wax ku cunaayey, dabadeedna mid ka mid ah maleeshiyada Maxaakiimta ayaa wiilka dhabarka ka toogtey isagoo la sheegey in uu meesha ku naf waayey.
Marxuumkaas oo isla shaley galabtii lagu aasey magaalada Baraawe ayaa waxaa aad uga xumaadey dhammaan dadweynaha ku nool degmada Baraawe iyo bahweynta deegaankaas ka soo jeeda ee ku nool dalka dibediisa. Mas’uuliyiin ka hadashey arrinkaas ayaa sheegey in falka foosha xun uu yahay mid aanan waafaqsaneyn mabaad’ida Diinta Islaamka. Qofka soon u furey dartii diinta ma qabto in loo dilo, waa arrin meel ka dhac ku ah xuquuqda Insaanka oo caadi u noqotey qaba’ilka hadda Maxkamadaha sameeystey in dadka u dhashey qaba’ilada aan hubeysnayn iska laayeen.
Maxaakiimta Islaamka oo maamulka Degmada Baraawe la wareegeen saddex usbuuc ka hor ayaan wax jawaab ah ka bixinin dilka isaga ah oo runtii yahay mid kalsooni darro ku abuuri doona shacabka deegaankaas. Sida laga warqabo Maxaakiimta oo in muddo ahba ka meer-meereysanayeen in maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose lagu wareejiyo dadka Gobolka u dhashey ayaan illa iyo hadda waxba ka hirgelinin arrinkaas.
Degmooyinka Shabeelaha Hoose waa degmooyinka keliya oo hoos imaada Maxaakiimta Islaamka oo ay ka taliyaan dad aanan u dhalan.
Afhayeen u hadley dadka reer Baraawe ee ku nool Waqooyiga Ameerika iyo dhamaan culama’udiinka iyo aqoonyahaanada u dhashey degmada Baraawe ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibedaba waxay codsanayaan in Maxkamad la soo taago gacan ku dhiiglaha diley marxuum Maxamed Abdi (kunyo).
Muudey Mayoow
DMC Baraawe.
* Filed Under:
Publications
* add new comment »


