Baaqa Odayaasha Muddullood Waqtigiisa Mayahay?
Maalintii labaad ayaa xasiloon degmooyinkii toddobaadkii la soo dhaafay ay ka dgaceen dagaallada sababay khasaaraha dhimashada, dhaawaca, barakaca iyo burburka hantida. Hakadka dagaalka waxa uu ku yimid baaq iyo digniin ay soo jeediyeen siyaasiyiinta, culumada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Muddulood oo 48 saac ka doodayey qaabkii labada dhinac ee ku dagaallamay Muqdisho loogu qancin lahaa xabbad joojin iyo in laga wada hadlo mushikiladan coolaadeed ee ku soo noqnoqotay magaala madaxda.Baaqan ay soo jeediyeen waxgaradka Muddulood oo ay ka mid yihiin Cali Maahdi Maxamed, Xussen Xaaji Bood, Kadare iyo qaar kale waxaa taageerayey odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye oo iyagu shalay gelinkii dambe ku kulmay hoteelka nabadda ee magaalada Muqdisho, waxana haatan lagu mashquulsan yahay sidii loogu gudbi lahaa qeybta labaad ee baaqa Muddulood oo ah in laga wada hadlo sidii loo kala dukin lahaa maleeshooyinka maxkamadaaha iyo kuwa isbaheysiga oo weli isku horfadhiya goobihii dagaalladu ay ku dhex mareen.Dagaalladaa toddobaadka socday ma jirto wax guul ah oo labada dhinac midkooda sheegan karo in uu ka gaaray, waayo, waxay weli isku horfadhiyaan halkii maalintii 1aad uu ka bilowday dagaalka, natiijada laaga gaaray waxay tahay oo keliya dhimasho in ka badan 170 qof iyo in ka badan 300 qof oo ku geeriyootay, waa sida laga soo xegtay goobaha caafimaadka.Waararka laga helayo dadka deegaannafdaasi oo aan shalay booqday ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawacaba in ay ka badan yihiin tiradaasi, sababtoo ah bay yiraahdden, "waxaa jira qoysas dhowr iyagoo ku jira guryahooda in uu ku habsaday hoobiye, qaar xabbadu xaleeshay iyagoo maraya xaafadahooda, iyo qaar dhaawacmay uu u dhintay dhiig bax, kaddib markii la waayey fursad lagu geeyo goobaha caafimaadka maadaama dagaalladu ay socdeen habeen iyo maalnta, sidaa darteedna meydkooda laga warhelayo goor dambe.Dhinaca kale, waxa xiisad ba'an ka taagan waddada isku xerta Muqdisho iyo Afgooye oo ay isku horfadhiyaan maleeshjooyin taabacsan Isbahgeysiga iyo kuwa taageersan Yuusuf Indhacadde, waxayna arrintaasi ka dambeysay kaddib markii shalay af-hayeen Isbaheysiga uu shaaca ka qaaday in djammaan waddooyinka ka baxa Muqdisho ee tagaya labada Shabeelle inay u xeran yihiin isbahesiga si loola socdo waa sida uu sheegayee, dhaqdhaqaaqa argagaxisada.Waarar aan la xaqoojinin ayaa sheegay in maleeshooyinka Isbaaheysiga ay ku sii jeedaan gobolka Sh/Hoose oo hadda ka hor dagaal ku dhexmaray maleeshooyinka Ina Ilqeyte iyo kuwa Indhacadde, halka warar kalana ay sheegayaan in lagu joojinayo wixii gurmad ah ee maxkamaduhu uga imaan lahaa meelaha ka baxsan Xamar.
* Filed Under:
Wararka Maanta| Politics
* add new comment »


