Cabdillaahi Yuusuf oo La Filaayo inuu Warbixin Siiyo Golaha Baarlamaanka

05/16/06
Caliyoow Eenoow - Hakaba Information CenterFormat for printing    

Baydhabo(16) Madaxweynaha DFKM Md. Cabdillaahi Yuusuf iyo wafdigii uu hogaaminayey oo shalay gelinkii dambe dib ugu soo laabntay magaalada Baydhaba ayaa lagu wadaa in uu maanta xogwarran ka siiyo golaha baarlamaanka socdaalkii uu dhowaan ku soo maray dalal dhowr ah oo ka tirsan qaaradaha Yurub iyo Afrika. La kulanka Madaxweynaha xubnaha baarlamaanka ayaa ku soo beegmay xilli maalintii 3aad mudanayaasha baarlamaanka u socoto dood ku saabsan go'aanka laga qaadanayo wasiirada ka tirsan xukumaada Soomaaliya oo toddobaadkii la soo dhaafay ka dagaallaamayey Muqdisho iyadoo xubnaha baarlamaankuna uu kaldhigoodii 2aad uga socdo Baydhaba, balse aanay iyagu marna ka qeyb gelin.