Digil Ma Diinkii Dhaanka Loo Direy Baa?

Maqaalkan waxaan ku soo bandhigeynnaa mid ka mid ah akhristeyaasha wabsaydka SSU.net oo ku cabbiraya aragtidiisa gaar ah, waxqabad la’aan uu ku dhaliilaayo dhammaan bulshaweynta Aw-Digil meel kasta ha joogaane. Wuxuuna maqaalkiisa halkudhig uga dhigey sedan:
Burburkii Dowlladdii Militeriga ahayd ee 1991kii ka dib waxaa dalka ka billowdey burbur siyaasadeed, Dhaqaale iyo mid Bulsho intaba, waxaana billowdey qaxooti aad u ballaaran oo u kala firxaddey daafaha dunida oo dhan. Inta soo harteyna waxay magan u noqdeen dagaallo, dhac, kufsi iyo barakicin aan loo meel deyin. Waxaa abuurmey ururro siyaasadeed oo ku saleysan qabaa’illo hubeeysan kuwaas oo horseedey dhibaato iyo burbur aan abad soo marin Geyiga Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa abuurmey Ururro Islaami ah oo doonaayey in dalka Soomalia lagu dhaqo shareecadda Islaamka, islamarkaasna ‘maamul’ kasta oo dhasha uu ahaado mid horseeda ku dhaqanka manhajka Islaamka. Labadaas qaybood ee aan soo sheegey qowmiyadda Aw-Digil ma ahayn kuwo ka dhaxmuuqdey.
Waxaa intaas sii dheer NGO Waddani oo u taagan samatabixinta dadka masiibadu aafeysey. Taasna dadka Aw-Digil kama dhex muuqanin. Sidoo kale NGOyada gudaha ka shaqeeynaayey waxay ku xirnaayeen kuwa dibadda ay ka sameysteen bulshooyinka ku dhaqan Qurbaha ee Gobollada kale ee Somalidu degto illaa ay ku guuleystaan inay dhisaan Jaamacado iyo Cusbitaallo Caalami ah. Hase yeeshee Aw-Digilku marti ayuu ka ahaa waxaas oo dhan sida ay wax u qabteen Soomaalida Qurbaha ku nool dadkooda ku dhibaateysan Gudaha Soomaaliya.
Dabayaaqadii sanadkii 2005kii ayaa waxaa na soo gaartey inay baraarugeen aqoonyahannada iyo siyaasiyiinta Aw-Digil ee ku dhaqan Waqooyi Ameerika kuwaas oo ku guuleystey inay sameeyaan Urur ay ku mideysan yihiin Qoowmiyadda Aw-Digil kaas oo magaciisa la yiraahdo Midowga Koonfurta Soomaaliya “SSU’’, waxayna dadka Aw-Digil u ballanqaadeen inay wax badan u qaban doonaan.
Ballanqaadyada Ururka SSU waxaa ka mid ah inay dhisayaan Iskuulaad badan, cusbitaallo, horumarinta Beeraha iwm. Hase yeeshee mudadii halka sano ah oo sanadguuradooda koowaaad ku beegan tahay dabyaaqada bishan aan ku jirno wax la taaban karo oo ay qabteen ma jirto. Haddaba taasi waxay keentey inaan isweydiyo su’aashan oo aan cinwaanka maqaalkan ku billaabey: DIGIL MA DIINKA DHAANKA LOO DIREY BAA mise doorkii laga filaayey ayuu dabooli doonaa?
Runtii su’aashan kuma soo baraarugin hase yeeshee waxaa igu dhaliyey wax badan oo horumar la’aan iyo dhameystir la’aan aan Digil ku arkey, sidaas darteed jawaabta su’aashan waxy u taallaa shaqsi kasta oo ka mid ah Beelweynta Aw-Digil.
Wabilaahi Toowfiiq
Xasan Siid Cali Cabdoow.
suubanorg@hotmail.com
Tel: 25215505996.
* Filed Under:
Publications
* add new comment »


