BAYAAN
Odeyaasha, Culuma-Uddiinka, Aqoonyahanada, Siyaasiinta iyo Dhallinyarada Beesha Reer Baraawe ee ku nool dalka Boqortooyada Ingriiska, London, ayaa aad iyo aad uga xumaadey arrinta yaabka badan leh oo ka dlhacday Degmada Baraawe oo ka mid ah Degmooyinka ugu taarikhda dheer ee dalka Soomaliya. Waxaana Degmada ku dhasheen Shuyuukh waaweyn oo diinta gaarsiiyey meelo badan oo dalka gudahiis iyo dalalka kale ee ka tirsan Afrika. Waxay ahaayeen Culumo fidinta diinta Islaamka naftoodi ugu huray, wuxuua Eebe ugu nicmeeyay in uu siiyo karaamo una fududeeyo baridda iyo fidinta diinta, waxay aqoontoodi gaartay meel sare, waxay jawaabi jireen mas'alooyin adag oo ay weydiin jireen Culumo ka Imaan jirtay Dalka Masar ee waqtigaas isgaarsiintu yareed.
Waxaan Maxaakiimta u sheegeynaa in beelaha Soomaaliyeed oo dhan ay yihiin dad Muslimiin oo ahlu-Sunni ah, mad'hab koodina waa Shafici Ahlu Tariiqna ah (Suufiya), dadka Reer Baraawena 100% waa la mid.
Sida la wada ogyahay Soomaalidu waa dad 100% Muslimiin ah laga aqoonsan yahay meelo badan ee adduunka, waxaana sharaftaas gaarsiyay Culumada maanta la burburinaayo qabuurtood oo dad weynahana loo diidaayo in ay siyaartaan, waa arrin cusub oo aan hore Soomaaliya lagu arag. Marka soo yaab ma aha arrintan Soomaaliyeey? Ma tahay ariin loo dulqaadan karo?
Taariikhdu markay ahayd 14-12-2006, subaxnimadii ayaanu war ka helnay Degmada Baraawe in ay ka dhacday arrin aad u fool xun oo khalad ah kaas oo ay ku kaceen Maxaakiimta iyagoo duulaan ku qaaday Masaajidka lagu qabanaayey siyaaro weyn oo sanad walba lagu xuso Sheekh Nuureeyni oo ahaa Shiikh Eebaha karaameeyay oo dadaal iyo taqwo badnaa, culumadii iyo ahlu-beydkii halkaas Alla bari u fadhiday ayaa siddeed nin oo ka tirsan qolada Maxaakiimta ugu soo galeen gudaha oo ay garaaceen xoogna ooga saareen, qabrigana jibiyeen, mutoorka nalka iyo kan fiidiyoogana ka qaateen qurbaankana (cuntada) ay badda ku daadiyeen. Ma aha wax la aqbali karo (unacceptable).
Sidaas darteed waxaan guud ahaan dad weynaha Soomaaliyeed gaar ahaanna Ahlu-dhariiqda oo dhan weydiinaynaa: “Arrintan xad gudubka ah ma xaq baa?”
Haddaba waxaan Maxaakiimta ogeysiineynaa in dadka sameeyay falalkaas iyo kuwa 'mas'uulka' ka ah Degmada oo ay soo magacaabeen maamulka sare ee Maxaakiimta la soo saaro maxkamad, mas'uuliyadda degmadana lagu wareejiyo dad kale ee ku haboon, maadaama ay durba bilaaween in fitno diineyd ka abuuraan Degmada taas oo ku fidi karto dalka oo dhan. Waxaa wanaagsan in haddii mas'alo diineed ay timaado waa in si habsimi ah looga doodo wixii mugdi ku jirana la ifiyaa, iyadoo laga ilaalinayo wixii siyaasad ah.
Shuyuukhda in la xurmeeyo lana qiimeeyo waa arin muhiim ah oo Soomaaliya iyo umadaha aduunka oo dhanna laga tixgeliyo maadaama ay na gaarsiyeen in aan noqono 100% muslimiin sunni ah. Waa in leyska jiraa lagana fogaadaa iska hor imaad diineed oo khatar tii hore tu ka weyn la imaan karta.
Soomaalidu maanta, waxay u baahantahay xasilooni, dib u dhis iyo nabad waarta si ay uga baxdo dhibaatooyinka 16ka sano laga dhaxley dagaalka sokeeye.
Haddii aan ka hadalno wax qabadka Maxaakiimta ee magaalada Muqdisho waa arrin ay dadka ku farxeen guulna ah madaama ay ka sareen qabqableyaasha dagaalka oo nabadda hor taagnaa dad weynahana dhib, dhac iyo xasuuq ku haayey. Magaalada Muqdisho oo 16ka sanadood qalalaas iyo khas ka jiray ayey Maxaakiimta xasilooni ku soo celiyeen, laakin waxaa laga rabaa in wixii kale oo dhiman ay si degnaan, wacyi galin, waano iyo tusaalo fiican ay dadka ula yimaadaan iyadoo dhaci karto dadka xun oo dambiyada badan ay xusuustaan ama ay la yimaadaan Alla ka cabsi. Diinta ma ogolo qasab ama xoog balse waxay u baahantahay hannuunin iyo tartiib.
Waxaa tusaale ah in Fircoon uu ahaa nin kaafir-mushrik weyn ah markii Alla Subxaan watacaalaa u diraayay Nabi Muusa iyo Walaalkiis Haaruun wuxuu ku yiri Fircoon ula tega hadal jilacsan bal inuu xusuusto ama cabsado. Fiiri aayadaha halkaan ku lifaaqan.
Haddaba madaama intaas nala farey waxaa Maxaakiimta laga doonayaa in dadka ay ugu yeeraan jidka Eebe si xigmad iyo waano fiican leh kulana doodaan sida ugu fiican, Eebe waa ogyahy cidda ka dhunta jidkiis kuwo hanuunsanna waa ogyahay. Fiiri aayaddan kale oo halka ku lifaaqan.
Waxaan Ilaah ka baryeeynaa inuu xaqa na tuso iyo caddaladda.
Wa Billaahi Towfiiq.
Omar Shariif
Wakiilka SSU ee London
* Filed Under:
Publications
* add new comment »


