Dhamaan Masuuliyiinta Kala duwan ee Dowlladda Kumeelgaarka oo dil ugu Xukuman Kooxaha Dowlladda Ku kacsan(Faallo):
Muqdisho DMC 2June 2007.
Inkasta oo dagaaladii fool ka foolka ahaa ee u dhaxeeyey dowlladda iyo kooxaha ku kacsanaa uu dhamaadey,ayaa weli waxaa meesha ka jira saameynta ay kooxahaasi ku leeyihiin ammaanka magaalada Muqdisho,marka dhinac laga eego kooxaha dowlladda ku kacsan laguma tilmaami karo in laga adkaadey maxaa yeeley,waxay maalin kasta dhigaan miinooyin iyo bambooyin ay la beegsadaan ciidamada,madaxda dowlladda,maamulka gobolka iyo ciidamada dowlladda Itoobiya.
Sidoo kale waxay mar kasta qaadaan tallaabo qaarajis ah oo ay kula kacaan Masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiisha Ciidamada dowlladda,tan iyo markii la magacaabey waxaa la diley 3 guddoomiyeyaal degmo oo uu u dambeeyey kan degmada Howlwadaag oo xaley lagu toogtey degmada uu guddoomiayaha ka yahay,sidoo kale waxaa horey loo toogtey guddoomiyeyaasha degmooyinka Hurwaa iyo Yaaqshiid,waxaana maalinimada arbacada aan soo dhaafney la toogtey taliyaha nabadsugidda degmada Xamarweyne.
Waxaa marar badan qaraxyo lala beegsadey masuuliyiinta dowlladda kumeelgaarka ah iyo maamulka gobolka Banaadir,toddobaadkii hore ayay ahayd markii Cali Maxamed Geeddi lala beegsadey qarax hase yeeshee uu ka badbaadey,sidoo kale waxaa qarax kaas la mid ah ka badbaadey Maxamed Dheere.
Sidoo kale falalka qaarajiska masuuliyiinta dowlladda ayaa ka socota magaalada dekadda leh ee koonfurta Soomaaliya,waxaana xaley la toogtey taliyaha nabadsugidda ee gobolka Jubada hooose Gashaanlle Maqtal Faarax Gaagaab waxaana toogtey kooxo soo duubtey wejigooda.
Si kastaba ha haatee kooxihii dowlladda ku kacsanaa waxay bedeleen wejiga dagaalka ee fool ka foolka ahaa waxayna ku socdaan qaabkii degaaleed ee dalka Ciraaq ka socda inkasta oo ay u dhaxeeyaan farqiyaal aad u weyn.
Sidoo kale kooxaha dowlladda ku kacsan ayaa bedeley qaabka dagaalka oo dhan awoodda Ciidamada Dagaallamaya waxay u leexiyee dhinaca kilinka shanaad ee Soomaaliya iyagoo gacan siinaya Jabhadaha dowlladda itoobiya ku kacsan ee ONLF iyo OLF,si culeyska ciidamada Itoobiyaanka looga qaado gudaha Soomaaliya,waxaa la xaqijiyey dagaalkii lagu qaadey goobta shidaalka laga qodo ee shilaabo inay fuliyeen Ciidamada ku kacsan dowlladda Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka baxey magaalada Muqdisho.
Waxaa dagaal culus ka billowdey gobollada Bari ee Soomaaliya iyadoo halkaas ku dagalamayaan ciidmada Puntland iyo ciidamo ka socda maxkamadaha islaamiga oo ay la socdaan xubno Ajaaniib ah sida ay ku doodayaan masuuliyiinta maamul Goboleedka Puntland,waxaana xaley illaa maanta Buuraleyda Baargaal ka socda duqeyn iyo weerarro saddex geesood ah oo ay sameynayaa maraakiibta dagaalka ee mareykanka,Diyaaradaha dagaalka ee USA iyo Ciidmada Dowllad Goboleedka Puntland,inkasta oo uu guddoomiyaha gobolka Bari uu sheegey in dagaalka la soo afjarey.
Si kastaba ha haatee masuuliyiinta,saraakiisha ciidamada,Guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo dhammaan qeybaha dowlladda u shaqeeya ay u xukuman yihiin kooxaha dowlladda ku kacsan,waxaa la xaqqijiyey in qofka la dilaayo marka horey talefoonka digniin lagu siiyo inuu ka baxo dowlladda uuna iska casilo xilka uu hayo,haddii uu diidna sidaas lagu khaarajiyo iyadoo tallaabo kasta oo lagu dili karo ay maraan masaajid dhaxdiisa ha ahaatee.
Warar aan ka heley ilo ku dhowdhow maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in loo hanjabey xubnaha sare ee maamulkaas,waxaa horey si taas la mid loo diley Ku xigeenka koowaad ee maamulka gobolka Banaadir Ibraahin Shaaweey.
Shacabka caadiga ee magaalada Muqdisho ayaa ku sheekeysanaya ama isku xifaaleynaya xil u doono dowlladda kumeelgaarka si aad u goosatid tigidhka aakhirada,maxaa yeeley kooxaha dowlladda ku kacsan ayaa waxay aaminsan yihiin ninkii dowlladda la shaqeeya ama xil u qabta inuu yahay qof dembiile ah.
Dhinaca kale Dowlladda Kumeelgaarka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa waxay wadaan tallaabo aad u ballaaran oo ay ku qabqabanayaan kooxaha ay ku tuhmaan inay ka mid yhiin ama ay la shaqeeyaan kooxaha dowlladda ku kacsan,waxaa buuxdhaafey xabsiyada ay isticmaasho dowlladda Federaalka kumeelgaarka ah.
Waxaa niyad jab ku timid in badan oo ka mid ah dadkii rajada ka qabey inay dowlladdu u shaqeyn doonto si wanaagsan taasi waxay noqotey sur dhagax gashey.
Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Featured Opinion
* add new comment »


