Kurtunwaareey: Maamulka Cussub oo Weli La Hortaaganyahay, Dhuxuloow oo Baraawe Wareejiyey.

Dadweynaha Reer Baraawe oo Maamulka Cussub soo Dhoweeyey.


Dhuxuloow oo si Nabad ah iska Wareejiyey Maamulkii Baraawe.
07/17/07
Aadan Cusmaan - DMC-MarkaFormat for printing    

Marka [DMC] 17 July 2007.

Waxaa maanta magaalada Marka dib ugu soo laabtey wafdi ka tirsan Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Baraawe ka dib markii ay Maamullka Degmada ku soo hubsadeen xaruntiisa, waxaana Maamulka Degmada si nabad ah ku wareejiyey C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo aan muujinin wax diidmo ah haba yaraatee sida ay noo sheegeen wafdiga dib ugu soo laabtey xarunta Gobolka ee Marka.

Wafdiga dib u soo laabtey waxaa ka mid ah Xog-hayaha Gobolka C/llaahi Cali Cumar, Maxamed Ibraahim oo ah Guddoomiye Kuxigeenka Dhaqalaha ee Degmada Baraawe, Taliye Kuxigeenka Asluubta Gobolka iyo xisaabiyaha Gobolka oo ah Cali Axmed Abtiddoon. Wafdiga ayaa sheegey inay si nabad ah ku dhacdey wareejinta Maamulka Degmada islamarakaasna shacabka magaaladu oo aan kala harin ay si fiican u soo dhoweeyeen.

Xubanahaan dib ugu soo laabtey magaalada Marka ayaa warbixin dheer siiyey Guddoomiyaha Gobolka Dr. C/qaadir Sheekh Maxamednuur. Sidoo kale maamulkii hore ee Degmada Sablaale ayaa sidaas si la mid ah ku wareejiyey Maamulka Degmada oo ay soo magacowdey Xukuumadda Kumeelgaarka.

Sidoo kale wafdiga ayaa Maamulka Gobolka iyo Taliyaha Militeriga ee Guutada Sagaalaad waxay ka codsadeen in labadaas Degmo loo diro ciidamo dheeraad ah si ay uga qeyb qaataan sugidda ammaanka labada Degmo.

Dhinaca Maamulkii sida xoogga mudada 17ka sano ku haystey Degmada K/Waareey Salaad Cali Koofi ayaa ku gacan seyrey inuu wareejiyo maamulka ka dib markii Maamulka Degmada loo soo magacaabey uu halkaas gaarey asagoo ku andacoonaaya inaan la siinin mudnaanta uu lahaa. Waana ‘Guddoomiyaha’ keliya ee diidey inuu Maamulka si nabad ah ku wareejiyo. Waxaana shir arrintaas ku saabsan maanta xarunta Gobolka u fadhiya Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo kan Ciidanka Guutada 9aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Waxaa laga fikirayaa sidii halkaas ciidamo dheeraad ah loo geyn lahaa kaas oo culeys lagu saarayo Salaad Cali Koofi laguna xoojinaayo awoodda Maamulka cussub ee Degmada K/Wareey oo Bartamaha Gobolka Shabeellada Hoose.

Salaad Cali Koofi ayaa Degmadaas wuxuu xoog ku haystey laga soo billaabo burburkii Xukuumaddii Militeriga ahayd illaa iyo maanta. Wuxuuna doonayaa sida saaxiibadiisa kale ee uu Dhuxuloow ka mid yahay in loo magacaabo Maamulka Degmada ama kan Gobolka waana taas sababaha uu u diidey inuu maamulka wareejiyo.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobolka iyo kan Degmooyinka ayaa wuxuu u socdaa si habsami ah marka laga eego dhinaca Maamulka iyo nabdgelyada inkasta oo aan weli la xareeynin malleeshiyaadkii halkaas ka talin jirey.

Shabakadda Warbaahinta DMC Marka
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com