Saan-Saan Colaadeed oo Ka Taagan Degmada Baraawe-Dowladda iyo Maamulka Gobolka oo Arinta Baraawe ku Fashilmey.

Abaabul Ciidan oo ka Socda Kuunya Barroow iyo Baraawe.


Magaalada Taariiqda Dheer Leh ee Baraawe oo Iminka Kacsan.
07/22/07
Cali Caroode - DMC-MarkaFormat for printing    

Marka [DMC] 22 July 2007.

Ka dib markii maleeshiyada Dhuxuloow ay xasuuqeen dad ka soo jeeda Beelaha dega Degmada Baraawe islamarkaasna aan tallaabo ku habboon aysan ka qaadin Maamulka Gobolka iyo kan Xukuumadda Kumeelgaarka ayaa abuurtey in jawi colaadeed oo aad u xooggan uu ka soo ifbaxo deegaanka Baraawe iyo dhulka ku xeeran.

War deg-deg ah oo dhowaan naga soo gaarey Degmada Baraawe ayaa sheegaya in malleeshiyaadka Dhuxuloow ay u dhaqaaqeen dhinaca Kuunyo Barroow oo ay ka socotto abaabul ciidan oo ay sameeynayaan dadka deegaankaas oo ka xumaadey dadkooda oo la xasuuqey.

Warkan oo aan ka soo xiganney  nin ku sugan Degmada Baraawe ayaan xaqiijinin tirada ciidan ee u  dhaqaaqey Kuunyo Barroow iyo inta gaari oo ay wataan hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey inay u dhaqaaqeen deegaanka Kuunyo Barroow. Cabsi ka soo wajahdey deegaanka Kuunyo Barrow iyo dhulka ku xeeran oo uu ka jiro abaabul ciidan oo wax iska caabin ah oo ay iska leeyihiin dadka ka soo jeeda Beesha Tunni.

Maleeshiyaadka Dhuxuloow ayaa waxay isbaheysi kula jiraan kuwa Beesha Marreexaan ee iyaguna xoogga ku haysta Gobolka Jubbada Hoose islamarkaasna ay isbaheysi ku ahaayeen haysashada labada Gobol ee Soomaaliya ugu barwaaqada badan kaas oo ay degan yihiin iskana leeyihiin dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya.

Waxaa ka  socda deegaanka Baraawe oo aysan weli Maamulka Dowliga iyo kan Gobolkuba ka hadlin, waxna ka qabanin ayaa wuxuu u socdaa hadaan dheer oo ka soo celintoodu adkaan doonto, waxayna saameeyn xoog leh ku yeelan doontaa maamulada Degmooyinka kale iyo kan Gobolka Shabeellada Hoose oo awelba caga badan ku taagneyn.

Waxii ka socda Gobolka Shabeellada Hoose 72 saac ee la soo dhafney ayaa u muuqda kii uu ku fashilmi doono siyaasaddii Dowladda Kumeelgaarka iyo dhammaan maamuladii ay u dhistey Gobolada Koonfurta Soomaaliya. Maamuladii Gobolada Koonfurta loo dhisey ayaa haddaba u gacangaley burcaddii mudada dheer xoog ku haysatey Goboladaas iyadoo madaxda Dowladduna ay u kala qeybsanyihiin sidii laga yeeli lahaa arintaas. Gobolada Koonfurta qaarkood ayaa Dowladdu si toos ah u faragelisey maamuladooda iyadoon la kaashanin dadkii u dhashey Goboladaas. Waxay u egtahay in Dowladda Kumeelgaarku ay u taliso oo kali ah Gobolada Koonfurta iyadoo kuwaasna iminka ay gacanteeda ka baxeen. Waxaa arintu u egtahay tii Maxaakiimtu ay ku fashilmeen dabyaaqadii sanadkii hore.

Si kastaba ha ahaateen xaaladda Gobolka Shabeellada Hoose ayaa u muuqatta, una socotta qaabkii bariga dhaxe oo kale, wuxuuna Gobolkani xuddun u noqdey in awood kasta ee timaadda ay ku gorgortanto xukunkiisa, waxaana hadda muuqattaa inay Dowlladdu gorgortan siyaasadeed la gashey kooxaha ku kacsan oo Gobolkas muddo dheer si xoog ah ku haystey; waxaanse sugeynaa halkii uu ku dambeyn doonto arintaas.

Cali Caroode 

Shabakadda Warbaahinta DMC Marka