QISADII WARAABAHA IYO KUWA MAQAALKA XASUUQA QORAY YAA QIIMA LEH?
Waraabe ayaa la yiri wiilkaaga waa la dilay. Waraabihii wuxuu yiri: Yaa dilay? Waxa la yiri wiilkaaga waxaa dilay Libaax.
Marka ayaa waraabihii intuu madaxa ruxay oo yiri: Wiilkayga Libaax ma diline waxa dilay Ari.
Bal isu fiiriya qisadda waraabaha iyo kuwa maqaalka xasuuqa Baraawe ku qoray websiteyada qaarkood.
Marka la fiiriyo qisadda loona kuurgalo waraabe oo xayawaan ah ayaa boqol jeer ka fikar wanaagsan kuwa qisadan xasuuqa qoray, oo weliba isu maleynaya in ay wax fiican qoreen. Mida kale waraabaha nin assaga ka xoog weyn ayaa wiilkiisa dilay, kamana aar gudan karo, sababtaas ayuu u yiri wiilkayga waxaa dilay ari.
Haddii aan ku noqdo qisada waraabaha:
Marka ugu horeysa waraabaha wiilka la dilay issaga ayaa dhalay, balse kuwan maqaalkan qoray ma aysan dhalin ama la dhalan MUJAAHIDIINTA NAFTOODA U HURAY halganka dhulkooda iyo qadiyadda guud ee beesha TUNI. ILLAHAY NAXRIISTA JANNO HA SIIYO.
Kuwan maqaalkan qoray oo waraabaha ka hoos maray ee ku hadlay kalmado aad u foolxun, waxaa iga su’aal ah qiimo intee laeg ayay ku yeelan karaan bulshweynta TUNI? Maxaa yeelay guud ahaan Soomaalida kale oo dhan ayaa la yaabtay waxyaabaha ay ku hadleen waxayna is waydiinayaan dadkan ma dadka deegaanka u dhashaybaa mise waa dad deegaanka ku dhaqmay?
Sida xogta ah markaan idinkaga waramo: Nimankii wax dilay ayaa qirtay in ay falkan sameeyeen oo weliba codsanaya in ay diyo bixiyaan iyo xoolaha ay qaateen dib u soo celiyaan. Beesha TUNI ayaa arinkan weli ka biyo diidan oo rabaan inay marka hore ay ogaadaan falka sababta loo sameeyay. Bal isu fiiriya kuwa maaqaalka xasuuqqa qoray iyo xogta meesha taalo.
Hadaba meesha waxaa nooga cad nimanka maqaalka qoray in ay yihiin kuwo aan waxba kala socon arrimaha beesha TUNI iyo guud ahaan BARAAWE. Hadaba Mr. Ali "Marduuf" iyo kuwan waraabaha ka liita ma isu dhigmaan?
Ali waa nin wadani ah, bulshadiisana wax wayn u qabaty, Ilaah baa wax badbaadiyee bulshadiisana badbaadiyay, ilaa iyo hadana diyaar u ah inuu naftiisa iyo maalkiisaba u huro sida kuwii horeba naftooda u huray.
Ali waa nin sharaf weyn ku leh guud ahaan Gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan deegaanka TUNI min Golweyn ilaa Goobweyn taariikhdana ay qori doonto, mana aha nin maqaalkan sumcaddiisa wax u dhimi karta.
Dardaaran ku socda ALI:
Aliyoow waxaad tahay nin xil qaaday: horaa loo yiri (nin xil qaaday eed qaad). Waxaad tahay tolkaaga oo dhan ayaa og ee dheg ha u dhigin fidno-wadayaasha hadalkooda ee halgankaaga halkaa ka sii wad.
Wabillahi Towfiiq
Mohamed Amin Abubakar "" Al-Baraawiya
* Filed Under:
Featured Opinion
* add new comment »


