Baraawe: Dhuxuloow iyo Dhuxusha Baraawe.
Muqdisho [DMC] 2 August 2007.
Magaalada Baraawe oo uu ku sugan yahay Guddoomiyaha sharciga ee dhowaan loo magacaabey maamulka degmada ayaa weli wuxuu awood u helin inuu maamulo degmada Baraawe, waxaana is hortaagey ninkii horey halkaas u haystey ee Cabdullaahi Xalane Dhuxuloow, waxaa magaalaa Baraawe weli ku qulqulaya dhuxusha laga dhoofin jirey halkaas.
Waxaa weli xal laga gaarin dhibaatadii xasuuqa ahayd ee uu geystey C/llaahi Xalane Dhuxuloow. Xiriir aan la sameyney magaalada Baraawe ayaa sheegaya in Dhuxuloow isku deyey in dhaqalaha lagu xallinaayo xasuuqa uu geystey in laga dabbiro maamulka degmada. Si arrintaas loo meelmariyo wuxuu la shirrey odeyaasha nabaddoonada beelaha Tunni, wuuxuuna hordhigey inay saxiixaan waraaq ka hadlaysa in diyada dadkii la xasuuqey uu bixiyo maamulka Degmada Baraawe.
Waxaa waraaqda saxiixey odeyaasha oo dhan marka laga reebo odeyaasha Beesha Gooygaal. Waraaqdii nabaddoonadu saxiixeen ayuu Dhuxuloow wuxuu hordhigey Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cali ‘Marduuf’ si uu assagana uga ansaxiyo arrintaas. Guddoomiyaha Cusub ayaa diidey inuu ansaxiyo ama aqoonsado waraqdaas amreysa in maamulku degmadu bixiyo diyada.
Dhinaca kale dhuxushii Baraawe laga dhoofin jirey ayaa waxay u socotaa sideedi. Iyadoo baddu xirantahay ayaa waxaa halkaas lagu diyaariyey kumanaan tan oo dhuxul ah si markii ay baddu furanto loo dhoofiyo. Dhaqaalaha canshuuraha ee laga qaado dhuxusha ayaa waxaa si toos ah u qaata Dhuxuloow assagoo aan haba yaraatee aan waxba ugu talagalin maamulka Degmada.
Si kastaba ha ahaatee magaalda Baraawe ayaa weli waxaa ka taliya Isbaheysiga Dooxada Jubba oo uu wakiil uga yahay C/llaahi Xalane Dhuxuloow. Waxaa magaaladaas weli ka taliya malleeshiyaadkii Beesha Ceyr ee ka ammar qaatta Dhuxuloow.
Shabakadda Warbaahinta DMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Top Headlines (English)
* add new comment »


