Warqad furan ku socoto Dr.Mahamed Omar Faqi {Nimaan ku furi doonin yuusan ku rarin}

Magaalada Baraawe
12/19/07
Amin Abuu HaadiFormat for printing    

waxaa la yaab badan qof inuu naftiisa been u sheego asagoo og runta waxa ay tahay sabaabta aan ula jeedo runta waxay  tahay marka hore xaqiiqda waxa ay tahay in laga hadlo ayaa haboon inta aan la guda gelin waxyaabaha  fahamdarada ka jirta reerka gudihiisa. taaas waxaan ula jeedaa dhaxaltooyada waxay ku timid Allaha unaxariisto SULDAAN FAQI XAAJI AWIISA abahaaga wuxuu ka mid yahay wiilashii uu dhalay SULDAAN FAQI XAAJI AWIISA warqadii aad qortay waxaa ku tiri  waxaa xaq leh adeerkeyga abdula faqi hadii uu diido anigaa xaq uleh  waxaa iga su'aal ah Siidii Gaabo Faqi Xaaji Awiisa aawey xaqiisa?mise wuxuu xaq ku waayey inta yar oo uu adiga runta kuu sheegay oo uu kugu yiri arinkan anigaa idin ku weyn ee go"aankeyga raac ee adiga fidnada iyo muranka dhaaf ma intaas baa xaqiisa ku waayey? oo weli si wanaag ku jirta kula hadlay oo kugu  yiri aniga qof weyn ayaan ahay Abdule Faqi aniga ayaa ila soo hadlay Mahamed reer Omar Saciid Faqi wareegooda wey qaateen ee hada wareegaan waxaan ku wareejin doonaa reeraha kale  sidaas ayaa cadaaladu ku jirta waqtigan xilka suldaannimada waxaa ugu duceeyay walaalkaa SULDAAN FAQI SACIID  hadii  waalid sidaas kuula hadlay oo wallalahaagi kula hadleen miyeysan aheyn kan fidnada wada  iyo dano gaar leh inaad adiga tahay? maqaalka aad qortay . maqaalkii ka horeeyay si  fiican ma u akhrisay intaadan cadowgaaga la saaxiibin maxaa yeelay somaalidu  waxay  tiraahdaa  {nin qorax kugu dilay meydkaaga hoos ma keeno} taas waxaa ula jeedaa  dad aabahaaga la dagaali jiray oo dhibaateeyeen adigana aad ka war qabtid malaga yaabaa in adiga iney wanaag kuu sameeyaan. jawaabta waa maya maxaa yeelay maqaalkii 16 Dec 07 baraawepost  ayaa waxaa ku qornaa suldaankii  guud beesha  tuni  Suldaan Omar Faqi in laga dhigo wakiilkii Xeydar Suufi  Munye inuu ahaa taas maku qanacday qoraalkaas? balse haddii aadan ku qancin  qoraalkaas. ragaan  xaasidnimada  ku gaamuray  Mahamed  bal isku day  markale iney qoraal kaa qaban doonaan? qoraalkaas oo noqon kara  sidan  abbaheyga  wuxuu ahaa  wuxuu ahaa  suldaanka  guud ee beesha  tuni  shangamaas iyo toore iyo laba tol  jegadaas uu ka dhaxlay abbihiisa SULDAAN FAQI XAAJI AWIISA,  Xeydar Suufi uu yahay  duqa  dacfaraad   duqnimada waxaa uu ka dhaxlay abihiisa Suufi Munye  sabatoo ah Xeydar abihiisa iyo abihii uu dhalay wey ka horeysay nidaamka iyo hanaanka  saldana wey ka horeysay  sidaa daraadeeda Xeydar waa duqa dacfaraad. wakiilkiisa baraawe u joogana waa abtigiisa Abdukqaadir Abdo. xaqiiqda waa sidaase u qor waa hadii ay kaa yeelaan. Mahamed  kheyr ka guur hanoqonin ee kut iyo qanja u guur  waxba ha is wareerin SULDAAN FAQI SACIID sharaftiisa waa  sharaftaada  ee walaalahaaga dhinac ka raac. maxaa yeelay somaalidu waxay tiraahdaa {baroorta orgiga  ka weyn} taas waxaa ula jeedaa Mahamed  oohintaada iyo SHARIIF NUUROW oohintiisa  ma isku ula jeedaa? {al caaqil yafham} jawaabtu waa maye sababtoo ah adiga waxaad leedahay aniga adeerkeyga Abdulle ayaa xaq leh ee Siidi Gaabo shaqadeyda ma aha  hadii Abdula diido anigaa diyaar ah  Mahamuud Sheegow oo iga weyn shaqadeyda ma aha. oohintii Shariif Nuurow waxay tahay SULDAANKA CUSUB EE SULDAAN FAQI  cabsi ay ka qabaan darteed ayaa loo ooyay marka ugu horeysay Suldaan Faqi waa nin dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon. marka xigta  ma aha nin cadkiisa afka loo gelin kara. tan kale xigta ma ah nin lagu tilmaami karo ama lagu mitaalo karo Xeydar ayaa wakiil u tahay. tan kale waa nin bulshaweynta DIGIL IYO MIRIFLE  magac weyn ku leh iyo bulshadiisa ahlu baraawe  shangamaas iyo toore iyo laba tol iyo bulshaweynta  somalia oo kala duwan qeybeheeda. Mahamed tan ay kugu soo dhoweeyeen  waxay eheyd in uu abahaaga wakiil u ahaa Xeydar adigana wakii u noqondoontid . waxaa la yiri {tallo xumo gaajo ayey leedahay ee walaalahaaga dhinac ka raac,  wax yar waxaan rabaa SHARIIF NUUROW iyo websaidkiisa in aan arimo yar iska weydiino  Shariif Nuurow qoraalkii aad qortay 16 Dec07 qeybtii hore  waxaad ku soo qaaday  Allah ka cabsi iyo ayaado quraan iyo axaadiis  waa arin fiican ee hadii SHARIIF NUUROW aad ku camal fali doonto? SULDAAN FAQI XAAJI AWIISA inuu ahaa suldaanka guud ee beesha tuni shangamaas iyo toore iyo laba tol. waxaa kaloo ka hadashay sida dhaxalka loo kala mudan yahay  bal fiiriya asagoo diin cuskaday  waxa uu yiri Abdula Faqi ayaa iska leh hadii uu diido Mahamed baa iska leh ma is weydiiyay ilma Faqi yaa jooga yaana ugu weyn waqtigan hada la joogo yey talada  ka go'daa  reer Omar hadey ka degeen  wareegaan walaalaha kale ayaa leh miyey sidaas eheyn? waa hadii ay cadaalad jirto mida kale hadii dhaxaltooyo soo jireen aad ka soo hadashay iyo qaladaad jira in la saxo maxaa sababay duqii dacfaraad  oo ah Xeydar Suufi Munye oo aad ku tilmaantay akhwaan Abduule ayaa u duceeyay aawey saldanadii Faqi Xaaji Awiisa ee dhaxaltooyada aad ka soo sheekeysay. yaa la rabaa in la qaldo AW DIGIL MIYAA MISE BULSHAWEYNTA BARAAWE?  waxaa kaloo ku jiray maqaalka Faqi ma dhaxli karo ee intee loo cuskaday jawaab yar Faqi waxa uu ka tirsan yahay dhaxaltooyada SULDAAN FAQI XAAJI AWIISA  balse waxaa is weydiin mudan dhaxalkii duqa dacfaraad  ee uu xeysto Xeydar Suufi  Munye  maxaa sababay inuu dhaxal suldaan soo raadiyo??? ee malaga yaabaa  in aad tiigsaneysaan madaama uu qabo gabar kasoo jeeda Suldaan Faqi Xaaji Awiisa oo ay caruur u heyso? mise cadaaladiibaa la garab maray.
yaan la is qaldin umadana runta haloo sheego.


wabilaahi towfiiq
by Amiin Abuu Haadi

 aminabdow6@aol.com

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Southern Somali Union (SSU).