Abdiaziiz Abuukar Baafo iyo odayaasha Baraawe oo khadka ka dhumay‏

12/28/07
Amin Abuu Haadi - Fikrad khaas ahFormat for printing    

Aduunyadu waxaa u daran dad aan garaneynin shaqadooda waxay tahay.maxaayeelay odayaasha baraawe waxay qoreen warqad oo ayaga aan iska war haynin qofkood  qofka kale  taas waxaa u sabab ah iney iska war qabin. marka hore odayaasha waxbey taageeri karaan waxna wey diidi karaan.taas micneheeda ma aha wixii aan diidno ma soconayaan wixii aan taageerno way soconayaan

Waxaa is weydiin mudan jegada ay faraha la galeen waa jego ayaga ka sareysa marka 1aad suldaanka waa hey"ad ka sareeysa kuwa qoraalka qoray tan kale xigta magaalada ay duq kayihiin ee baraawe wey ka balaarantahay goobaha ay saldanada hoos imaaneysa hadii aan soo koobo {golweyn iyo goob weyn} kuwa warqada qorayna waxay oday ka yihiin degmada baraawe oo keliya aan ku jirin tuulada maringubaay oo odayaashooda gaar u taagan iyo tuulada kuunya barow oo ayadana gaar u taagan odayaashooda weliba meelahaas aan soo sheegay waa laf dhabarta degmada baraawe waxay leeyihiin odayaal asluub wanaagsan leh jecel degaankooda inay horumariyaan malagu qiimeyn karo ama lala garab dhigi kara kuwa godka baraawe ku jira sidoo kale

Waxaa sharaf mudan odeydhqameedka degmada Jilib iyo tuulooyiinkeeda iyo odey dhaqameedka degmada Jamaame iyo tuulooyiinkeeda iyo odayaasha degmada kuntuwaarey iyo sablaale odoyaashaas oo mar walba soo dhoweeya wanaaga degaankooda iyo bulshadooda ee ma ahan sidii kuwan godka  ku jira.eysan kala garaneynin shaqadooda waxay tahay waa kuwa baraawe jooga, {Raashe  wa baashe}
inta ka hor ayaa maqaal lagu canbaareeyey odayaasha baraawe.maqaalkaas waxaa ka soo baxay websaika baraawepost canbaareyntu waxay ehayd.
OO weliba la yiri maanso uu tiriyay ibraahim ali omar sheego oo eheyd {Tuug tabardaran iyo waayeel Tuni ah ninkii tubaako u tuura ayaa u taliyo}hadana qoraaladoodii ayaa hal qabsi  loga dhigtay baraawe post mar walba waa yaab.

Sidaas darteed waxaan leeyahay qof walba shaqadiisa ha barto laaluush wax ma tao waxaa kaloo iga daran nin tacliin is xijiyay
oo ka lita kuwa aan tacliinta leheyn. ee waxaan leeyahay tacliinta micneheeda  baro,
waxaa kaloo yaab badan webka baraawepost waxa uu caado ka dhigtay in uu labo tol ka fogeeyo bulshada shangamaas iyo toore taas oo mar walba xumaanta laba tol uu wax ka sheego markii uu rabana kaalmo ka raadiya ma fiicna laba wejiila nimada
ee illaah halaga cabsado bulshada aan la qaldin,

Suldaan Faqi sayid Faqi waa qof ku yimid dhaxaltooyo ee ma aha doorasho weligeed lama arag dad aan dhaxalka shaqa ku leheyn oo raba in lala tashto taas waxay ka mid tahay dadka hadii aysan garaneynin shaqadooda ayaa keeni karta axmaqnimadaas,
waxaa muhiim ah qoyska dhaxal  isla leh wixii ay go"aansadaan ayna isku raacaan ayaa ah in la soo dhoweeyo mar walba
runta hala sheego umadana yaan la qaldin.
wabilaahi tow fiiq
by amin abuu haadiaminabdow6@aol.com

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Southern Somali Union (SSU).