Maqaalkii muragada lahaa iyo maan gaabkii soo qoray Maxaan ku micneyn lahaa?

01/03/08
mahamuud ali {Geel Jir}Format for printing    

Marka  hore  maan gaabkii maqaalka qoray  ma maskax buuxda miyuu ku qoray. mise mid khariban? haddii ay maskax toosan ahaan lahayd maqori lahaeyn taariikh mugdi ah.ee sal iyo raad toona aan  degaanka ku leheyn iyo bulsha weynta Tuni shangamaas iyo Toore  iyo laba Tol  ma aha mid  la arkay ama la maqlay. waxaa ah in laga xumaado  tariikh aan sal iyo raad leheyn in lagu soo qoro maqaal,

Waxaa is diidan oo marna is qaadaneynin sida taariikhda loo dhigay .
Marka hore  waxaa la yiri laba suldaan ayaa jiray  midna waa kii baadiye, midna waa kii beledka, Ilaah baan idinku dhaarshey hal qowmiyad hal degaan degan iney yeelato  laba  suldaan ma macquulbaa?
{waa maya} maxaa yeelay  haddii aan soo qaato kan magaalada lagu tilmaamay  3dex kilo mitir oo wareeg ah ee magaalada Baraawe oo keliya miyuu suldaan ka ahaa?"
Bal fiiriya maan gaabka waxa uu qoray iyo sidey macquul u ahayn,
arimaha noocaan oo kale mid raad ku leh ma aha dhaqanka soomaliyeed iyo beel weynta Tuni shangamaas iyo Toore laba Tol. Shantiigamaas hadii hal gamaas loo faataxeeyay  ama loo doortay iney hayaan  xilka Suldaanimada oo raali uga noqdeen afar gamaasta kale iyo Toore iyo laba Tol.sidee ku imaan kartaa halkii gamaas la doortay iney laba Suldaan ka soo baxaan qoys keliya????""Ma maan gaabkiibaa waali ku darsaday ? mise saxiibkiisa  horey u liitay ayuu sidan ku walwaalayaa ama ku wanaajinayaa si uu uqanciyo, {Somaalidu waxay tiraahdaa neef gowracan geed kama waabto}hada waxaan is weydiin mudan  Taariikh qaldan saxiibkaa ma ku qancin lahayd ? sida maan gaabka u dhaqmay oo kale,
Walaalaha bulsha weynta Baraawe  waxaan leeyahay lama joogo waqtigii Taariikh  qaldan la idin soo hor dhigi lahaa. Ama la idin marin habaabin lahaa ee Ilaahbaa nuur idin siiyey oo aad ku kala garataan Taariikhda xalaasha ah iyo mida xaraamiga ah. Ogaada dulmiga ma daaimo.
 
Labada qofood aan ka soo sheekeynay oo kala ah Suldaan Faqi Haaji Awiisa iyo Aw Munye Haaji Cabdulqaadir allaha u naxriistee janadii ferdoowsa allaha ka waraabiyo aamiin, sida taariikhda xalaasha ku cad waxay tahay Suldaan Faqi Haaji Awiisa waxa uu ahaa Suldaanka guud ee Tuni shangamaas iyo Toore iyo laba Tol. Aw Munye Haaji Cabdulqaadir waxa uu ahaa nabaddoon sare Dacfaraad , xaqiiqadana waa sidaas.Tan weriyaha Taliyaaniga waxaad soo sheegteen buug uu qoray qoraalkiisana ahaa in laba suldaan jiraan  kii beledka, iyo kii baadiyaha,
Waxaa is weydiin mudan  weriyaha taliyaaniga yaa warbixinta siiyay ama sidaas ugu waramay  iney laba Suldaan jiraan?ilayn weryaha geed ma wareysanin ama guri dhagax ah  ma waydiinin, qofkeebaa  u war bixiyey iney laba Suldaan jiraan?"magaciise. haddii qofka la helo muxuuse ahaa darajadiisa?ileyn weriyaha Taliyaaniga qofbaa u waramey.keebuu ahaa????????"Malaga  yabaa qofka u waramay ama warbixinta siiyay weryaha Taliyaaniga inuu ka mid ahaa qoyska rabeen iney maroorsadaan Saldanada soo jireenka ahayd  ee Suldaan Faqi Haaji Awiisa ka soo jeeday?"
Maxaa yeelay weriyaha Taliyaaniga qoraalkiisa waxay ahayd markii uu Suldaanka geeriyooday ka dib. Oo dhaxalka Saldanada gacanta ku haayey wilashii Suldaanka dhalay mid ka mid ah oo la oran jiray Aw Sheegow Faqi
Sheegow Faqi iyo qoyskii maroorsiga rabeen waa taariikh dheer  Tuni oo dhan baa og. wixii dhexmaray
Kadib kacaankii ayaa duugay nidaamkii saldanada iyo qabiilka siduu u shaqeyn jiray mudo ka dib waxaa mar kale soo noqday nidaamkii hore iney Salaadiinta shaqadooda qabsadaan. kadib waxaa soo if baxay qoyskii maroorsiga ku caanbaxeen iyo nin maal qabeen ah iney is ka  kaashadaan sidii hore ay u samaeyn jireen oo ahayd waqtigii Aw Sheegow Faqi Haaji Awiisa.Kadib markii dawlada  ay u tageen kuwa mroorsiaga waday  oo la yiri maxaa warqad aad ka haysaan xilka aad sheeganeysaan? Dowladii waxaa la hor dhigay warqadii Aw Munye Haaji  oo ahayd nabaddoon sare tii ayaa loo Sharciyeeyay  in xeydar  uu qabto xilka awoowihiisa  nabadoon sare ilaa iyo hada taas ayuu heystaa waa sida xalaasha ah waa loo jeedaa maxaa loga leehanayaa?" 
Dhinaca  kale Suldaan guud warqadihiisa oo gacanta ku haayey  Aw Sheegow Faqi waxaa si buuxda loogu wareejiyey Suldaan Cumar Faqi Haaji Awiisa,  dawlada wey u sharciyeeysay jegada Suldaanimada. warka sidaas ayuu cad yahay maxaa mugdiga keenay?"Mida meesha ku jirta waxay tahay Aw Munye xilkiisa  waxaa  waday Suufi Munye oo Xeydar abihiisa  ahaa Aabihii  oo nool ayaa xeydar ka dhaxlay jegada awoowihisa Aw Munye Haaji oo eheyd nabaddoon sare. waxaa is weydiin mudan hadii Aw Munye iyo Aw Suufi oo Xeydar dhaxalkooda raba sidan ayuu u dhaxlay maxaa  ku kalifay inuu dhaxal kale uu raadiyo? waxaa kaloo cajiib ah in xeydar jagadii uu lahaa in abtigiisa Cabdulqaadir Cabdow u dhiibto,oo Baraawe jooga. Xeydarna raba inuu mid kale soo dhacsado,sidaas ma macquulbaa?"Ma asagey waali rabaan mise ayagaa waxraadsan rabaan?{Soomalidu waxay tiraahdaa geed merihiisa ayuu dhalaa}ogow waxaadan ahayn ma noqoneysid wixii aad tahay uun baad ahaaneysaa, sidoo kale {soomalidu waxay tiraahdaa Hallaal maalin  cad ayaa la quutaa}hadii ay taariikhdu sidan tahay wax walbana ay kala cad yihiin maxaa loo qaldayaa bulsha weynta  soomalia gaar ahaan bulshadeena baraawe?Hadii wax yar aan soo qaato taariikhdii  Suldaan Faqi Haaji Awiisa markii uu talada haayey Aw Munye waxa ku noolaa degmada diinsoor uu dukaan ku lahaa oo deganaa.  Suldaanka ayaa amar ku bixiyay inuu soo galo degmada Baraawe diinsoor ka soo tago  sidaas ayuu ku soo galay Aw Munye Haaji degmada Baraawe oona ka noqday nabaddoon sare.bal fiiriya sidee ku imaan kartaa dad sidaas ku dhaqmi jiray oo kala danbeynjirtay in loo kala saaro suldaankii beledka iyo kii baadiyaha?????"Waxaan rabaa inaan ka hadlo waxyaabahaan socda anigoon si toos ah aan u guda gelaynin Taariikhdii Suldaan Faqi Haaji Awiisa , su'aasheyda waxay tahay webka baraawe post nimanka iska leh iyo kuwa wax ku soo qora, miyay khaldan yihiin oo jahada ka wareersan, mise akhristayaasha ayaa xusuusta ku yaraatay?jawaabta waxay ila tahay.
milkiilayaasha iyo kuwa wax ku soo qora ayaa khaldan,ee akhristayaasha wey miir qabaan,sidan waxaa ula jeedaa {Soomaalidu waxay tiraahdaa madax laba carab ma yeeshto}webka Baraawe post marna inuu ka ka hadlo taariikhdii Suldaan Faqi Haaji Awiisa qayb ka mid ah iyo xadaaradii uu lahaa wadanka gudihiisa iyo debadiisa gaal iyo muslim  la xiriiri jiray qoraalada qaarkood ay ku cad yihiin, hadaba laga heli karo webka Baraawe post qaar ka mid ah. sidee isla webkaas hadana u soo qori karaa taariikh qaldan?Baraawe post akhristayaasha hala dhowro hana la ixtiraamo,waxaa kaloo jita in webka in  uu isticmaalo magacyo aan raali laga ahayn, iyo inuusan dhex dhexaad ahayn, waxaa ila fiican webka Baraawe post inuu sidaas ka fiicnaado dhexdhexaadna uu noqdo.War bulshada yaan la qaldin  taariikhdana yaan loo gefin.war beenta dhaafa runta sheega  maahmaah oo maay maay ah waxaa loo tiriyay sidan{lakiwaaniyaaw wedkaa lee jarinyaa adibaa walaalmaleytaa soo weeraase}
Wabilaahi towfiiq
By mahamuud ali {Geel Jir}

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Southern Somali Union (SSU).