Xaflad lagu caleemo saarayay Suldaan Faqi Said Faqi oo lagu qabtay Magaalada Columbus, Ohio ee carriga Mareykanka
Columbus, Ohio, January 20, 2008 (DMC - America) - Waxaa lagu qabtay Magaalada Columbus, Ohio ee carriga Mareykanka xaflad aad u ballaaran aadna u qurux badan oo lagu caleemo saarayey laguna sagootinayey suldaan Faqi Said Faqi oo dhowaan loo doortay inuu noqdo suldaanka beesha Tunni oo ku nool gobollada Shabeellada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. Xafladaas waxaa ka soo qaybgalay dhammaan odayaasha, aqoonyahannada, dhallinyarada iyo haweenka beesha Tunni, qowmiyadda Digil & Mirifle iyo guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Columbus, Ohio. Waxaa kaloo ka soo qaybgalay xafladaas odayaal iyo aqoonyahanno metelaya soomaalida ku nool gobollada kala duwan ee dalka Mareykanka.
Fadlan halkan ka daawo xafladda oo Video ah:
* Filed Under:
Sticky Stories
* add new comment »


