Ujeedo: Taageerida iyo soo Dhoweynta Suldaan Faqi Said Faqi Magaaladda Manchester(UK)
Xaflad aad u ballaaran,si heer sare loo agaasime laguna soo dhoweynaayo Suldaan Faqi S.Faqi
Iyo wafdiga horkacaayo oo dhowaan loo dortay in uu noqdo suldaanka Beesha Tunni-Shangamaas iyo Tunni Toore oo ku nool gobolada Shabeelhoose, Jubada dhexe, Jubada hoose.
Xafladda taageerida iyo soo dhoweynta Suldaanka waxaa ka soo qeybgalay dhammaan odedhaqameedka,aqonyahaanada,culamaau’ddiinta,dhalinyaradda iyo haweenka beesha shangamaas oo dhan, qoomiyadda mujtamaca digil/mirifle iyo guud ahaan marti sharaf ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyed ee ku nool magaaladda Manchester (UK).
Suldaanka Cusub waxaa taageere aqlabiyadda dadka u dhashay beesha Tunni-Shangamaas,
Tunni/Toore ee ku nool wadanka gudahiisa iyo dibadiisa.
Suldaan Faqi Said Faqi waxaa lagu yaqaana firfircoon, karti dheeraad , asluub wanaag, asagoo ku dheer xiriiriinta bulshoweynta (Public-Relation).
Waa halyeey, geesi Soomaaliyed naftiisa u hure si qeyb uga qaadi lahaa dhaqdhaqaaqa siyaasadeed wadanka ka socoto, xasilinta iyo soo celinta dowladnimada iyo kala dambeynta gobolka shabeelaha hoose iyo deegaanada hoos yimaadan ee dulmiga iyo dhibka weligii la arag mudada dheer ku soo jiray.
Waa danjire si caddaalad u adeegi doona shacabka gobolka Shabeelaha hoose iyo deegaanada hoos yimaadan hagar la’aan si kalsoonida,qadiyadda ,masiirka iyo rajada shacbiga gobolka dib loo soo celin lahaa.
Anigoo ku hadlaaya magacaygi iyo magaca beesha Tunni-Shangamaas iyo Tunni Toore waxaa aan cambaaraynaaya mikiilaha iyo tafaftiraha websitka baraawepost qoraalada shacabkeena lagu jihawereerinaayo, caado iyo dhaqan midna u lahayn ee dadka walaalaha la kala fogeeynaayo iyadoo marxalad adag kala guur lagu jiro oo loo baahanyahay tanaasul iyo in la adkeeyo midnimada beesha Tunni Shangamaas mustaqbalka.
Ragaan waxaan u arkeynaa in ay yihiin qaran dumis kuwaaso u horseeday shacabka deegaanka bur-bur,nidaam darro, fowdo aan dhammad lahayn iyo qaranimo luntay ,garab iyo awood Xaddhaaf siinaayan qabaailka xoog ku haysto gobolka iyo degaanka baraawe
Waxaana kula talinaynaa in- DADKOODA DHINAC KA RAACAN.
Dhambaalka Suldaan Faqi Said Faqi ka sito shacabka gobolka iyo deegaamada hoos yimaadan ee ku nool wadanka gudahiisa iyo dibadiisa loona gudbinaayo madaxda ugu sareeya dowladda federaalka kumeelgaarka iyo wasiirka arimaha gudaha dowladda Federaalka kumeelgaarka waxaa ugu muhimsan qodobadan hoos ku qoran:
1. Shacabka Gobolka Shabeelaha hoose iyo deegaanada hoos yimaadan 100%ayaa DFKS taageersanyihiin.Waxaan madaxda Sare ee dowladda ka codsanaayan in qaanuunka iyo axdiqarameedka dowladda federaalka la xurmeeyo laguna dabaqo sida gobolada kale ee soomaalia lagana daayo xilalka loo magacaabaayo raga aan u dhalan 17 sano dhibka iyo dulmi shacabka ku haayen.
2. Waa in la kala diraa (Disband) maliishiyadda qabaailka xoog ku haysto gobolka iyo degmooyinka hoos yimaadan oo dhib ,dulmi iyo cadaalad darro shacabka ku haayan waqtigan xaadirka dowlad iyo calan soomalia saaran.
Waxaa aan codsanaynaa DFKS si cadaalad in datuurka federaalka ku dabaqdo gobolkan
sida gobolada kale ee jamhuuriyadda Soomaaliya faragelin la’aan.
3. In Maamulka Gobolka iyo degmooyinka dadka u dhashay , xildhibaanada qaranka wakiilka ka ah barlamaanka ka tashadan si doorasho lagu doorto dadka shacabka hogaamin lahaa sida dastuurka waafaqsan.
Inta kor ku xusan waa xaqa shacabka gobolka shabeelaha hoose iyo degmooyinka hoos yimaadan DFKS ka tabanaayan in ay saxdo loona madaxbaneeyo gobolkooda faragelin la’aan sida gobolada kale ka mid ah jamhuuriyadda soomaaliya iyado la raacaayo dastuurka federaalka iyo axdiqarameedka DFKS ku dhisan.
Anigoo ku hadlaayo magaca beesha Tunni Shangamaas iyo Tunni Toore oo dhan waxaa u
Duceynaynaa Suldaanka inuu Ilaahay u fududeeyo gudashada howsha adag sida waafaqsan diinta islaamka iyo qawaaniinta caalamiga.
Wa billaahi Towfiiq.
Nabadoon Cabdulqaadir Manuur Amiyo
Afhayeenka Beesha Tunni Shangamaas iyo Tunni Toore.
* Filed Under:
Sticky Stories
* add new comment »


