Lacagaha Shilin Soomaaliga Waa La diidaye: Maxaa Wax Lagu Kala Gadan Doonaa?
Muqdisho [SSMC] 18 March 2008.
Lacagaha Shilin Soomaaliga ayaa soo marey maraaxiil kala duwan tan iyo intii ay burburtey Xukuumaddii hore ee Soomaaliya, iyadoo markii ay xukuumaddu burbrutey ay shaqeeynaayeen lacagaha oo dhan sida 10 Sh, 20 Sh, 50 Sh, 100 Sh, 500 Sh iyo 1,000 Sh.
Hase yeeshee horrraantii sagaashameeyadii waxaa gebi ahaan suuqa ka baxey oo la diidey Lacagaha 10, 20 iyo 50 ka.
Hase yeeshee lacagahaas ayaa u wareegey Gobollada W/Bari iyo W/Galbeed iyadoo illaa haddda ay ka shaqeyso lacagta Kontonka Shilinka Soomaaliga ah. Lacagaha Boqolka Shilin iyo Shanta Boqol ee Shilin ayaa gebi ahaan laga diidey Caasimadda iyo Koonfurta Soomaaliya oo dhan, taas oo markii dambe loo daadgureeyey Gobolladda Dhaxe iyo Gobollada Waqooyi.
Haddaba waxaa isweydiin mudan sababaha ka dambeeysa diidmada lacagaha ee Koonfurta Soomaaliya. Diidmada lacagaha Tobonka ilaa Boqolka shilin ee Soomaaliga ah ayaa timid markii dhaca iyo boobka foosha xumaa uu ka socdey Gobollada Koonfureed iyadoo lacagahaasna ay ahaayeen lacagyow xoosh ah oo qaadisteedu ay aad u dhib badneyd iyadoo ay burcaddu soo beegsan jirtey tira badnideeda taasina waxay kalliftey inay diidaan ganacsatada waaweyn iyo kuwa yaryarba, ayna sidaas suuqa uga baxdey.
Waxaa lacagta laga isticmaalo Caasimadda iyo Gobollada Koonfureed ku soo hartey 500 sh iyo 1,000 Sh waxaana markii dambe soo ifbaxdey in la diido lacagta Shanta Boqol taas oo ay billaabeen Ganacsatada waaweyn; taasina waxay salka ku haysey siyaasad dhaqaale doon ah oo ay ku doonayeen inay soo sameystaan lacago been abuur ah oo xaaraan ah.
Si ay taas meel ugu helaan ayay u diideen lacagtii Shanta Bqol ahayd, waxaana Shanta Boqol Koonfurta iyo Caasimadda laga diidey sanadkii 1999kii, waxaana loo daadgureeyey Gobolladii lacagihii hore ay ka shaqeeyaan.
Waxaa Lacagta Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya laga isticmaalo ay ku soo aruurtey Kunka Shilin oo keliya taas oo muddo 7 sano ah ka dambeysa Shanta Boqol, waxaana inta uu kunku shaqeeynaayey la soo dabaacey lacago fara badan oo Ganacsato aan xaaraan iyo xalaal u kala soocneyn ay soo daabaceen; taasina waxay qiimo dhac u keentey lacagta Soomaaliga oo uu ka nool yahay Kunka Shilin oo kaliya.
Haddaba dhowaan ayaa waxaa soo ifbaxey in la diido lacagaha duugga ah ee Kunka Shilin, waxaana arrintaas ka soo shaqeeyey Ganacsato leh ujeeddo siyaasad dhaqaale doon ah, iyagoo ka soo billaabey tuulooyinka oo dadka reer miyiga ah dhegaha ugu shubey inay diidaan lacagaha jeexan iyo midda duugta ah si ay mar kale fursad ugu helaan inay soo daabaacaan lacagaha Kunka Sh. ah.
Arrintaas ayaa laga soo billaabey Gobolka Shabeellada Hoose iyadoo iminka dhibaato badan lagu qabo dhammaan Degmooyinka iyo tuulooyinka kala duwan ee Gobolka iyadoo meel kasta marka aad istiraahdo wax ka gado lacagta la kala saarayo oo tan jeexan iyo tan duugoowdey lagugu soo celinaayo, waxayna arrintani keentey dhibaato badan oo dadka dan yarta ah soo foodsaartey.
Magaalada Muqdisho ayaa markii ay Dowladdu soo gashey waxaa ku soo batey lacagaha cusub ee Kunka Shilin, taas oo la sheegey inay Dowladdu keensatey oo ay siineysey Ciidamadeeda, hase yeeshee kooxaha ku kacsan Dowladda ayaa Ganacsatada Suuqa Bakaarha uga digey inay keeni karin suuqa lacagaha cusub, taas oo ay ammar ku bixiyeen shaqsigii lagu arko in la toogaanayo, taasina waxay cabsi weyn ku abuurtey ganacsatda lacagaha cusub keeni jirey. Arrintaas oo wax weyn u tartey reer Muqdisho ka dib markii ay ka badbaadeen duufaantii lacagaha faalsadda ah ee saameyn ku yeelatey Gobollada Bartamaha iyo W/Bari.
Haddaba ganacsatada ku naaxey lacagaha ku yimid ganacsiga xaaraanta ah ayaa raadiyey siyaasad kale oo ay kaga badbaadaan diidmada lacagaha cusub ee ay kooxaha mucaaridku hor joogsadeen, taasina haatan sabab u tahay diidmada lacagaha jexmey iyo tan duugoowdey oo ay ka soo ansaxiyeen reer miyiga iyo dadka tuulo joogga ah.
Haddaba haddii lacagta cusub ee la keensanaayo ay kooxaha Muqaawimadu diideen tan duugoowdeyna ay shacabka iyo ganacsatadu diideen waa tee lacagta ka shaqeyn doonta Caasimadda iyo Koonfurta Soomaaliya? Waa su’aalo taagan oo ay dadku bishan ku qaxweeeyaan.
Si kastaba ha ahaatee lacagta Soomaaliya waa dhimatey ee maxaa wax lagu kala gattaa?
Jawaabta su’aashani waxay noqon doontaa laba arimood midkood:
1- Inay kooxaha mucaaridka ah ee hor joogsadey isticmaalka lacagaha cusub ay faraha ka qaadaan oo ganacsatada xaaraan ku naaxa ahi ay fursad helaan oo ay soo daabacaan lacag cusub oo kunka Shilin ah oo sidaas ku sii shaqeysta mar kale, sicir barbarkuna uu halkiisa ka sii socdo.
2- Iyo in gebi ahaan lacagta Kunka la diido oo lacagta Soomaaliya laga isticmaalo ay ahaato lacagaha qalaad ee Suuqyada yaalla taas oo lagu kala gadan doono badeecooyinka jumlada iyo tafaariiqda ah, tsaaina waxay dhibaato weyn u keeni doontaa shacabka oo aan wada heli karin lacagaha qalaad.
Mana jirto fursad kale oo ay heli karaan shacabka dhibaateysan oo dhibaatada inta badan ay iyagu mas’uul ka yihiin, sababtoo ah si aan toos ahayn ayaa laga fuliyaa wax kasta oo la doonayo in la meelmariyo.
Shabakadda Warbaahinta SSMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Featured Opinion
* add new comment »


