Warar Dheeraad Ah Ayaa Ka Soo Baxaya Dhismaha Ciidamada DFKMG.

05/01/08
Aadan Cusmaan - SSMC-MuqdishoFormat for printing    

Muqdisho SSMC April 2008.

Tan iyo Markii ay DFKMG Magaalada Muqdisho  soo gaartey ayaa waxay qoratey Ciidamo Militeri ah oo u badan Malleeshiyaadka ku jirey Dagaallada Sokeeye ee ka dhacaya Dalka Soomaaliya. Ciidamadaas ayaa tiradooda lagu qiyaasey ku dhowaad 20 kun oo askleri oo loo dhisey Guutooyin, waxayna tirada Guutooyinkaasi ahaayeen 19 Guuto.

Hase yeeshee Ciidamadaas oo u badnaa Malleeshiyaadka loo yiqaanno Mooriyaanta ayaa noqon waayey kuwo u sameysan sidii Militeriga oo kale, iyagoo ku caan baxey Dhac, Boob, Bililiqo, isbaaro-dhin iyo kufsi oo ay si toos ah kula dhaqmeen Shacabka Soomaaliyeed, taasina waxay keentey in Ciidanka Dowlladda gebi ahaan shacabku u arkaan Cadowggooda, iyadoo laga cararaayo isla marka la arkaba.

Sidoo kale Ciidamada Mooriyaanta ah ayaa markii ay dagaal la galaan Kooxaha Mucaaridka ah ay la kulmaan Guulddarrooyin isdabajogga ah, iyadoo Ciidamadaas inta badan ku dhammaadeen falal Burcadnimo aygoo ku jira, taas oo ay baabi’yeen Kooxaha Mucaaridka ah.

Dhinaca kale Ciidamada inta wax dhaceysa mooyee inta kale ayaa waxay waayeen mushaarka ay qaadan jireen, taasina waxay sababtey inay intooda badani ay iskaga tagaan Ciidamada, iyadoo inta soo hartey ay istaafyo u noqdeen Mas’uuliyiinta Xukuumadda Kumeelgaarka.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Militeriga ee ay iminka Dowlladdu haysato ayaa ah kuwo lagu soo tababarey Dalka Itoobiya iyo Dalka Ugaanda, kuwaas oo tiradooda lagu qiyaasey 3 Guuto oo kaliya.

Dhinaca kale Dowlladda Kumeelgaarka iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo in muddo ah baarayey sababta ay Ciidamada Dowlladda aysan awoodda  u lahayn ayaa garowsadey inay ugu wacan tahay dhowr arimood oo kala ah:

1-Mushaar la'aan, iyo iyagoo aan laheyn tababar iyo tayo ciidan
2-Iyo inay jiraan Ciidamo fara badan oo qeyb ka ah weerarada Kooxaha Mucaaridku ku soo qaadaan Saldhigyada Miteriga, sida ayagoo kooxaha Mucaaridka siiya howlo sirddoon.

Haddaba Dowlladda Kumeelgaarka iyo Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa diyaariyey qorshe dib loogu dhisaayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, ee dhinacayada Militeriga, Booliska iyo Sirddoonka kuwaas oo durbadiiba la bilaabey in la tababaro.

Warka ayaa intaas ku daraya in Xerada Xalane lagu tababarayo 2 Guuto oo ka tirsan Militeriga iyo 2 urur oo Boolis ah. Sidoo kale waxaa tababar ku maqan 3 Guuto kale oo Militeri ah, halka kuwo kale oo cusubna hadda la qoraayo.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ku sugan 3 Guuto oo  Militeri ah oo lagu soo tababarey Dalka Itoobiya, kuwaas oo si joogto ah la howlgala Ciidamada Itoobiyaanka ah. Ciidamdan ayaa aad uga duwan kuwii hore marka laga eego dhinacyada anshaxa iyo dagaalka intaba.

Dowlladda iyo Saraakiisha Itoobiyaanka ayaa Go'aansadey in gebi ahaan meesha laga saaro Ciidamada Mooriyaanta ahaan jirey oo hubka laga dhigo shacabkana ka mid noqdaan, waxaana hubka laga qaadey kuwo fara badan iyadoo hubkaas ay Gacanta ku dhigeen Ciiidamada Itoobiyaanka ah.

Dhinaca kale warar ku dhowdhow Xildhibaannada ayaa sheegaya in Xildhibaannada laga rabo ciidan ay soo xulaan oo laga dhigaayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyadoo Xildhibaan kasta laga rabo sida la sheegey 15 qofood oo loo tabaraayo Boolis iyo Militeri.

Hase yeeshee waxaa isweyddiin mudan Dowlladda Kumeelgaarka iyo Saraakiisha Itoobiyaanku diyaar ma u yihiin inay dhisaan Ciidan Qaranka Soomaaliya leeyahay?

Arrintaas ayaa waxaa shaki ka qaba dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyadoo Dowlladda Itoobiya u muuqato in aan la helin Ciidan tayo leh oo ay yeelato Dowlladda Soomaaliyeed iyo Mas’uuliyiinta Dowlladda oo aan laga heli karin dad waddaniyiin ah oo dhisa Ciidan uu leeyahay Qaranka Soomaaliyeed.

Mas’uul kasta oo ku jira Golaha Wasiirrada, Agaasimeyaasha, Danjireyaasha iyo Saraakiisha ayaa u taagan oo keliya inay helaan hanti fara badan oo uu ku helo muddo gaaban taas oo uu ka leexsanaayo Shacabka Soomaaliyeed.

Taasna waxaa markhaati u ah warbixinta uu Wasiirka Kowaad siinaayey Baarlamaanka ee dhinaca Dhaqaalaha ayuu sheegey inay Dowlladdiisu heshey oo keliya Dhaqaale yar oo ka soo xaroodey Dekadda Magaalada Muqdisho, taas oo tiradeedu gaareyso 3 Milyan oo Doollar, iyadoo laga warqabo in Dekadda magaalada Muqdisho Bil keliya ay ka soo xaroon karto ku dhowaad Shan Milyan oo Doollar.

Shabakaddda Warbaahinta SSMC Muqdisho
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com,Bokoola@gmail.com