Awdgeegle - Iskudey Afduub Oo Fashilmey Iyo Iskudhac Ka Abuurmey Arrintaas.

Guddoomiyaha Degmada Awdheegle.


Taliyaha Booliska Degmada Awdheegle
05/02/08
Aadan Cusmaan - SSMC-AwdheegleFormat for printing    

Awdheeglle [SSMC] 2 May 2008.

Saddex qof ayaa dhimatey ka dib markii kooxo watey Gaari Caasi ah ay weerar ku qaadeen bar Kontorool ku taalla Degmada Awdheeglle. Iyadoo la tuhunsanyahay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa ku dhintey 2 ka tirsan Ciidamada Booliska ee Degmada Awdheeglle. Waxaa la tuhunsanyahay in weerarkaas qorshihiisa uu ahaa mid lagu afduubi lahaa Haween Taliyaani u dhashay oo ku sugan magaalada Awdheegle.

Kooxaha weerarka soo qaadey ayaa waxaa ka dhintey hal qof iyagoo ka cararey meydka, kaas oo iminka meydkiisu  yaallo Saldhigga Degmada Awdheeglle.

Markii la weerarey Barta Konntorool ayaa waxaa soo gurmadey Ciidamada Ammaanka Degmada, kuwaas oo gacan siiyey Ciidamada Kontoroolka ku suganna oo la soo weerarey taasina waxay keentey inay meesha ka cararaan kooxihii weerarka soo qaadey, waxaana Malleeshiyaadka dhintey mid ka mid ah uu ahaa dadka Deegaanka Awdheeglle, halka kankalana uu ahaa malleeshiyada beesha Ceyr ee ku jira Maamulka Degmada Awdheeglle, kan sadexaadna wuxuu ahaa kuwa ka soo duuley Ceelasha Biyaha oo isla Beesha Ceyr ka soo jeeda.

Kooxdan weerartey Awdheeglle ayaa la sheegey inay doonayeen afduub in ay u geystaan Haween Taliyaani ah oo Guri aad u ballaaran ka dhisey  Taallo Baaderi hore oo Taliyaani ahaa, kaas oo lagu diley Xaafadda Malablle ee Degmada Awdheeglle xiligii uu Dalka Gumeysanaayey Taliyaanigu, iyadoo markii dhismaha la dhameystirey xafldna halkaas lagu qabtey ay weerarkan la soo qaadey.

Taliyaha Booliska Degmada Awdheegle oo aan warkan ka soo xiganney ayaa sheegey in guri laga dhisey agagaarka Taallada ayna dhiseen saddex Haween oo Dalka Taliyaaniga u dhashey, waxaana haweenkaas mid ka mid ah qabi jirey nin la oran jirey John Carlos oo lagu diley Dekadda Kismaanyo xilli uu magaaladaas ka talinaayey Gen. Morgan.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Degmada Awdheelle ayaa Shabakadda SSMC u xaqiijiyey in kooxda weerarka soo qaaddey ay ka yimaadeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, kuwaas oo ka tirsan Malleeshiyaadka Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna Sarkaalkani sheegey in Malleeshiyadaas uu soo direy Taliyaha Malleeshiyadda Ceelasha Biyaha oo la yiraahdo Jimcaale.

Sarkaalkan ayaa arrintaas ku xaqiijinaya sida uu sheegey inuu Jimcaale laftigiisa oo watta hal gaari oo Tikniko ah uu saaka soo aadey Deegaanka Awdheeglle. assagoo aan la soo xiriirin mas’uuliyiinta Degmada iyo saraakiisha ammaanka ee Degamada Awdheeglle, waxaana markii uu ku soo dhowaadey Degmada tacshiirad ku furey ciidamada ammaanka ee Degmada Awdheeglle iyagoo ku qasbey inuu dib u laabto.

Mas’uuliyiinta Maamulka Degmada Awdheeglle iyo kuwa Gobolka Shabeellada Hoose ayaan weli ka hadlin iskudhacyada dhaxmarey Malleeshiyaadka Gobolka iyo kuwa Degmada Awdheeglle, waxaana halkaas ka jira xiisad colaadeed iyo hub isu aruursi u dhaxeeya Malleeshiyaadkaas.

Shabakadda Warbaahinta SSMC Awdheeglle
Aadan Cusmaan
Bokoola@gmail.com,Bokoola@hotmail.com