Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Marka, Ahna Kusimaha Maxkamadda Gobolka Shabeellada Hoose Oo Xabsi Guri La Geliyey.
Marka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Marka ahna Kusimaha Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Shabeellada Hoose, Jeylaani Qaalli Huurshe ayaa dhowaan waxaa la geliyey xabsi guri, waxaana tallaabadaas ku dhaqaaqey Guddoomiye Kuxigeenka amniga ee Gobolka Shabeellada Hoose iyo Taliyaha gacanta ku haya Saldhigga Degmada Marka.
Xarigga Guddoomiayaha oo aan si fiican loo faahfaahinin ayaa waxaa la sheegayaa inay salka ku hayso laba arrimood oo kala ah:
1). In la doonayo in gebi ahaan laga qaado xilka uu hayo iyo
2). Arrin kale oo la xiriirtey dad isku haysta dhul beereed oo uu u xukkumey dadkii xaqqa u lahaa ka dibna kooxda laga qaadey beerta ay ku dacwoodeen mas’uuliyiinta Guddoomiyaha xirtey.
Jeylaani ayaa markii lagu amrey in uusan gurigiisa ka bixi karin magaaladana uusan ka tagi Karin ayaa laga qaadey saddex qori oo uu isku ilaalinaayey ka dib waxaa u soo gurmadey ciidamo Boolis ah oo ka tirsan kuwa Gobolka iyo kuwa Deegaanka Jannaale iyo Awdheeglle kana soo jeeda beeshiisa, iyagoo ka soo kaxeeyey magaalada Marka, waxayna keeneen Degmada Awdheeglle.
Xilliga mas’uulkan Maxkamadda sare ee Gobolka iyo tan Degmada Marka la xirey ayaa waxaa magaalada Marka ku sugan Guddoomiyaha Gobolka C/qaadir Sheekh Maxmaed Nuur iyo Taliyaha Booliska Gobolka Shabeellada Hoose Cali Aadan “Cali Ganey”, mana jirto hadal ay ka soo saareen xariga mas’uulkan iyo sababta loo xirey intaba.
Ma aha marka ugu horreysa ee la xiro Dr. Jeylaani Qaalli Huurshe. Waxaa hore sidan oo kale u xirey Yuusuf ‘Indhacadde’ xilligii sida tooska ah uga talinaayey Gobolka Shabeellada Hoose, assagoo muddo u xirnaa hase yeeshee markii dambe dadaal ay sameeyeen odeyaasha dhaqanka ee Beeshiisa la siiddaayey.
Malleeshiyaadka Beelaha Garre iyo Kuwa Ceyr ee u badan maamulka & Ciidamada ayaa iminka u muuqda inuu soo kala dhaxgalayo mugddi iyo xurguf maamul, kan dhaqaale iyo mid siyaasadeedba, waxaana dhowaan dhaxmarey dagaal sababey dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacey Degmada Afgooye, kaas oo ka dhashey dhul la isku qabsadey. Sidoo kale waxaa jira iskudhac kale oo ka curtey Degmada Awdheeglle.
Arrintan ayaa waxay keeni kartaa isbeddel ku yimaada Maamulka iyo Ciidamada ka howlgala Gobolka Shabeellada Hoose siyaasaddiisa oo aan iminka u dheelitirineyn Beelaha dega Gobolka Shabeellada Hoose, iyaddoo awoodda maamul, kan ciidan iyo midda dhaqaaleba ay gacanta ugu jirto laba beelood, inkasta oo ay ku kala badan yihiin.
Dad badan oo ka mid ah dadka deggan Gobolkan ayaa aad uga madluunsan maamulka ka jira Shabeellada Hoose, kuwaas oo ku dooda in awoodda Gobolka ay weli gacanta ugu jirto Beesha Habar-Gidir oo loo tirinaayo inay xoog ku haysato Gobolka, halka Beesha Garre oo ka tirsan beelaha Gobolka assal ahaan u deggan iyadana loo arko inay isbaheysi la gashey Beesha Habar-Gidir oo ay wadaagaan wixii ka soo baxa Gobolkaas.
Hase yeeshee iskudhacyadan ayaa keeni kara inay meesha ka baxdo guux badan oo ay dadku qabaan.
Dad badan ayaa ku doodaya in Beesha Garre ee iminka isbaheysi la ah Beesha Ceyr Habar-Gidir oo ku ammar taaglleysa Gobolkan barwaaqada badan ay iyadana meesha ka bixi doonto oo maamulka Gobolka oo dhan uu gacanta u gali doono Beesha Ceyr Habar-Gidir markii labaad. Waxaa la ogsoon yahay in maleeshiyaadkii Yuusuf ‘Indhacadde’ u shaqeyn jirey ay iminka isku rogeen ciidanka Booliska ee Gobolka oo ay welina dhigtaan isbaarooyinkii ay dhigan jireen. Dowladda Kumeelgaarka iyo Ciidamada Itoobiyaanka ayaan wax awood ah ku lahayn Gobolka Shabeellada Hoose.
Bishii na dhaaftey ayaa ciidan badan oo Itoobiyaan ah ayaa markii ugu horeysa ‘kormeer howleed’ ku marey dhammaan Gobolka Shabeellada Hoose iyagoo wareysiyo badanna la sameystey odeyaasha iyo waxgaradka Gobolka. Waxaase soo ifbaxay in ‘kormeerkaas’ uusan wax natiija ah keenin oo weliba sii xoojiyey awoodda maleeshiyaadkii ‘Indhacadde’ weli ka ammar qaatta.
Dad badan oo ku abtirsada Gobolka Shabeellada Hoose ayaa tuhunsan in saraakiisha Itoobiya iyo mas’uuliyiinta maleeshiyaadka Yuusuf ‘Indhacadde’ ay iminka isla shaqeeyaan oo weliba dhaqaalihii Gobolka ka soo baxa saraakiisha wax laga siiya. Taas waxay u suuragelisey in maleeshiyaadka ‘Indhacadde’ ay weli dhaqaale badan ka gurtaan dadka Gobolka, waxna ka siiya Yuusuf ‘Indhacadde’ iyo maleeshiyaadka Dowladda ku kacsan.
Taliyaha Booliska Gobolka Shabeellada Hoose oo loo tiriyo inuu aad ugu dhow yahay daacadna u yahay Beesha Gobolka ka talisa ee Ceyr Habar-Gidir ayaan la garaneynin sida uu ku maareeyn doono isku dhacyada soo noqnoqdey ee dhaxmaraya Malleeshiyaadka Beesha Garre iyo kuwa Beesha Ceyr Habar-Gidir, waxaana arrintaas si weyn u hadal haya xubnaha Beesha Garre oo ka murugsan dammaca iyo danqasha la’aanta Cali ‘Ganey’, waxaana la isweydiyaa su'aalo badan oo ka mid ah bal in uu raaci doonaa Beeshiisa iyo in kale? Mise wuxuu keeni doonaa xal kale oo labada dhinac ay ku qancaan.
Cali Caaroode
Marka
* Filed Under:
Top Headlines (English)
* add new comment »


