Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Qado Sharaf U Sammeeyey Sulddaan Faqi.





05/07/08
Aadan Cusmaan - SSMC-BaydhaboFormat for printing    

Baydhaba [SSMC] 7 May 2008.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Md. Sheekh Aadan Maxamednuur (Sh. Aadan Madoobe) ayaa qado sharaf u sammeeyey Sulddaan Faqi Sayid Faqi, waxaana Guddoomiyaha wehliyey Kuxigeenkiisa Koowaad Prof. Maxamed Cumar Dhalxa iyo Xildhibaanno kale, iyadoo qado Sharaftaas lagu sammeeyey Guriga Guddoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Baydhaba.

Qadada ka dib ayaa waxaa Sulddaanka u mahadceliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay oggolaanshaha Sulddaanku ka oggolaadey Qada Sharaftan uu sammeeyey. Sidoo kale wuxuu sheegey in uu aad ugu faraxsan yahay inay Beesha Tunni yeelato Sulddaan Cusub, kaas oo weliba ah buu yiri nin dhalinyaro ah, Mutacallimna ah. “Waa arrin si aad ah loogu farxo”, ayuu hadalkiisa ku darey.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa sheegey in ay Salaaddiintu yihiin  lafdhabarka jirintaanka  Umadda Soomaaliyeed,isla markaasna looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabadda iyo wada noolaaashaha Umadda Soomaaliyeed si loo helo sharci iyo kala dambeyn, loona  helo Qaran Soomaliyeed oo shaqeeya.

Sulddaan Faqi Sayid Faqi oo isna Xafladda ka hadlley ayaa u mahad celiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka, assagoo sheegey inuu aad ugu faraxsan yahay Sharafta iyo karaamada uu u muujiyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Somaaliyeed. Sulddaanka ayaa Mudanaha  ugu duceeyey in uu Ilaahey u fududeeyo Xilka Culus ee Saaran.

Sidoo kale Sulddaanka ayaa Guddoomiyaha Warbixin ka siiyey meelaha uu soo Booqdey, iyo waxa uu kala kulmey, assagoo sheegey in uu Dalku ku jiro xaalad aad u Qallafsan oo haysata Shacabka Soomaaliyeed, waxaana arrimaha uu Sulddaanku xusey ka mid ah Abaaraha Kulul ee Dalka oo dhan ka taagan iyo Sicir Barar aad u sarreeya oo wada saammeeyey Dalka oo dhan, wuxuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka ka Codsadey in ay xil adag iska saaraan Sidii Dadka Soomaaliyeed dhibaatadaas looga samata bixin lahaa.

Sidoo kale waxaa Qado Sharafta Sulddaanka loo sameeyey Goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Prof. Dhalxa, xubno ka tirsan Xildhibaanada Baarlamanka oo ay ka mid yihiin Madoobe Nuunoow Maxamed, Cali Xaaji Muunye, C/nuur C/qaadir (Bool-hayt) iyo Xubno kale.

Dhinaca Sulddaanka ayaa waxaa ku Wehliyey Guddoomiyaha Ururka SSU Md. Dr Aadan Cumar Abuukar oo isna u mahad ceeliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Xuildhibaannada wehliyay, assagoo ugu mahadceliyey qada sharafta loo sammeeyey, wuxuuna Mas'uuliyiinta halkaas iskugu timid ka codsadey in ay maskaxda ka shaqeysiiyaan sidii loo badbaadin lahaa Shacabka dhibaateysan ee iskugu darsameen Abaaro, Sicir Barar iyo Colaadaha aan dhammaadka lahayn.

Kulanka Qado Sharafka ayaa ku soo dhammaadey jawi aad u sarreeya oo ay aad ugu maqsuudeen dhammaan Xubnihii ka qaybgaley, waxaana la soo gabagabeeyey iyadoo ay si aad ugu faraxsan yihiin Xubnihii ka qeybgaley kulankaas.

Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Baydhaba
Aadan Cusmaan
Bokoola@gmail.com,Bokoola@hotmail.com