Baraawe Oo Noqotey “Jamhuuriyad” Gooni U Goosad Ah. (Qeybta 1aad).



05/07/08
Aadan Cusmaan - SSMC-BaraaweFormat for printing    

Baraawe [SSMC] 5 May 2008.

Waxaa laga yaabaa dad badan oo ka mid ah akhiristeyaasha boggeenna in ay si aad ah ula yaabaan cinwaanka marka ay arkaan, hase yeeshee waxaad arki doontaan caddeymo aan u hayno halku dhigga cinwanka maqaalkan ee ku saabsan gooni isu taagga Degmada Baraawe.

Degmada Baraawe ee ku taalla Koonfurta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa lagu tilmaami karaa magaalo gooni goosad ah oo aan la haysanin dalka intiisa kale marka laga reebo magaalada Kismaanyo oo ay isku “shabakad” ku jiraan.

Magaalada aan ka hadleyno oo leh taariikh xadaaradeed oo aad u fog ayaa maanta waxay ka mid tahay magaalooyinka ay sii lumayaan taariikhdooda fog iyo midda dhowba ka dib markii  ay meesha ka baxdey Dowlladdii Dhaxe ee Soomaaliya ayna gacanta ku dhigeen kooxo ka yimid Bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo gebi ahaan la wareegey agab kasta oo ay magaaladaasi leedahay.

Marka aan dib ugu soo laabanno magaalada Baraawe ayaa markii ay Dowlladdu burburtey waxay marin u noqotey kooxaha isku haayey qabsashada Gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo mar waliba ay gacanta ku dhigeeysey koox gaar ah, hase yeeshee markii ugu dambeeysey waxaay ku xasishey gacanta “Isbaheysigii” uu madaxda ka ahaa Gen.Ceydiid (SNA).

Waxaa “Isbaheyigaas” magaalada Baraawe wakiil uga noqdey ninka illaa haatan gacanta ku haya oo la yiraahdo C/llaahi Xalane Dhuxuloow, wuxuuna maamulaa ilaha dhaqaalaha ee Degmada iyo kheyraadka dabiiciga ee Degmadu leedahay, mana jirto cid kula xisaabtanta.

Haddaba Degmada Baraawe oo tan iyo intii ay meesha ka baxdey Xukuumaddii Dhaxe ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haya Dhuxuloow iyadoo Xukuumadda dalka soo marey intii burbruka lagu jirey ay dhammaantooda wax isbeddel ah ku sameynin, marka laga reebo muddo yar oo halkaas ka wareejiyeen Xooggagga Shabaabka oo uu horkacaayey Maxruum Aadan Xaashi Ceyroow. Markii ay Xoogaggaas meesha ka tageenna waxaa mar kale gacanta ku dhigey Dhuxuloow waxaana assagoo gacanta ku haya magaalada loo magacaabey Guddoomiye Kuxigeenka Degmada, xilkaas oo uu u magacaabey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee awooddiisa iyo haysashadiisa Degmada Baraawe weli meesha kama bixin.

Wuxuu Dhuxuloow ka horistaagey in uu shaqeeyo Guddoomiyaha ay Dowlladdu soo magacowdey, assagoo illaa hadda gurigiisa ku jira ee aan ka soo bixin. Haddaba tan iyo intii Dhuxuloow Guddoomiye Kuxigeen loo magacaabey waxay Dowlladdu  soo saartey ammarro kala duwan oo lagu mamnuucaayo dhoofinta dhuxusha, ammarkaas oo la’iska dhegetirey oo weliba dhoofinta dhuxushana la sii dedejiyey.

La soco qeybta 2aad.  

Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Baraawe
Aadan Cusmaan
Bokoola@gnail.com,Bokoola@hotmail.com