Hay’adda ICRC Oo Beenisey In La Boobey Ama La Leexsadey Raashiin Ay Ugu Talagashey Dadka Tabaaleysan Ee Koonfurta Soomaaliya.

05/07/08
Aadan Cusmaan - SSMC-AfgooyeFormat for printing    

Afgooye [SSMC] 7 May 2008.

Hay'adda ICRC oo ka mid ah hay'adaha ka howlgala Koonfurta Soomaaliya ayaa waxay Cabsho soo gaarsiisey Shabakadda SSMC, ka dib markii ay ka war heshey,maqaal ka hadlaya deeq Raashiin ah oo loogu talagaley dadka ku dhibaateysan Degmooyinka Gobolka Shabeellada hoose in la boobey ama la leexasadey.

Haddaba Masuulka u sarreya hay'adda ICRC ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa nala soo xiriirey,asagoo beeninaya in la boobey ama la leexsadey Raashiin ay iyagu qeybinayeen, wuxuuna naga codsadey inaan caddeyn ka bixino warkaas laga sheegey hay'addooda.

Mas'uulkan ayaa sheegey in qaabka ay iyaga u shaqeeyaan iyo nidaamka hay'adaha kale ku shaqeeyaan uu aad u kala duwan yahay, asagoo sheegey inaysan iyagu NGO yada deeq la  qeybiyo siineynin oo wixii ay bixiyaan ay iyagu Gacantooda ku bixiyaan,oo ay gaarsiiyaan dadka loogu talalgaley.

Wuxuuna naga Codsadey inaan caddeyn buuxda ka siinno Meelaha ay iyagu wax ka qeybiyeen oo wax laga Boobey ama laga leexsadey, asagoo nagu booriyey inaan Hubinno wararka ay  na soo gaarsiyaan dadka  iyaga wax ka sheegaya oo ay dhici karto buu yiri  inay idiin sheegaan war aan jirin oo been abuur ah,ayuu hadalkiis aku darey.

Hase yeeshee Shabakadda warbaahinta SSMC oo warkan qortey ayaa Masuulkaas u caddeysey in warka ay qoreen inta badan ku wajahnaa hay'adda WFP, hase yeeshee warka aan ka sheegney Hay'adda Laanqeyrta Cas  uu ahaa mid  ay hore inoo  soo gaarsiyeen Dadka ku dhaqan Degmooyinka Gobolka Shabeellada hoose, islamarkaasna Suuragal ahayn inaan niraahno hebel iyo hebel, maxaa yeeley sharciga Saxaafadeed ayaan taas oggolaaneynin.

Sidoo kale wararka aan ka qorno hay'adaha gargaarka  ayaan ahayn mid aan shaqsi keliya ka qabano, waxaana warka inta badan na soo gaarsiya Odeyaasha iyo waxgaradka ku dhaqan meelaha markaas aan warka ka qoreynno taas oo waajib nagu ah inaan  ka qabanno warkaas islamarkaasna baahinno.

Hase yeeshee,waxaan hay'adda ICRC uga Cudur-daaraneynaa warkii dhowaan aan qorney oo  intiisa badan Cabshadeedu ku wajahneynd haya'adda WFP oo Raashiin ka qeybineysey Degmooyinka Gobolka Shabeellada hoose, dadka deegaanka iyo Odeyaasha dhaqankuna ay qaayllo dhaan badan ka muujiyeen,iyagoo nagala soo xiriirey khadka Telefoonnada, cabashadaas oo dhammaantood ku wajahneyd haya'adda Cuntada Adduunka ee "WFP".

Masuulkan oo magaciisa ka gaabsadey ayaa sheegey in lagu eedeyn karo inay jiraan meelo ay weli wax ka qeybinin ama ay gaarsiinin deeqaaha ay dadku u baahan yihiin,hase yeeshee wuxuu gebi ahaan Gaashaanka ku dhuftey in la boobo ama la leexsado Deeq ay bixiso ama Gacanta ku hayso hay'adda Laanqeyrta Cas ee Caalamka,wuxuna sheegey in wixii ay bixinayaan ku hubsadaan Goobta loogu talalgaley.

Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Afgooye
Aadan Cusmaan
Bokoola@gmail.com,Bokoola@hotmail.com