Degmada Baraawe Oo Noqotey Degmo Gooni-Goosad Ah (Qeybta 2aad).
Baraawe [SSMC] 8 May 2008.
‘Maamulka’ ka arrimiya Degmada Baraawe ayaan ku xirneyn oo wadashaqeyn buuxda ka dhaxeynin Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose iyo Dowlladda Kumeelgaarka ah, waxaana ‘Maamulkaas’ uu isu madaxbaneeyey dhammaan dhaqdhaqaaqa maamul iyo midka dhaqaaleed ee ay Degmadaasi leedahay.
Malleeshiyaadka Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaan ka howlgalin Degmada, halka ay ka howlgalaan dhammaan Degmooyinka kale ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana Malleeshiyaadka ka howlgala Degmadaas dhammaantoodu yihiin Jufada uu ka soo jeedo C/llaahi Xalane Dhuxuloow oo aan haba yaraatee oggoleyn Malleeshiyaad ka madax banaan beeshiisa inay ka shaqeeyaan Degmadaas, marka laga reebo Odeyaal uu wax ka siiyo Canshuuraadka uu ka qaado dadkooda.
Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha ammaanka ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaan faragashan ‘Maamulka’ iyo amniga Degmadaas, iyadoo ay taasi u muuqato inay raalli ka yihiin (Gooni-Goosadka Maamulka Degmadaas), inkasta oo aan la ogeyn inay dhinaca dhaqaalaha ay wadaagaan. Mas’uul ka tirsan Maamulka Gobolka oo magaciisa qariyey ayaa noo sheegey inuu jiro dhaqaale aan xaddigiisa la ogeyn inuu Dhuxuloow soo gaarsiyo Mas’uuliyiinta amniga Gobolka.
Sidoo kale Dowlladda Kumeelgaarka oo tiro laba jeer ah soo saartey ammar lagu mamnuucayo dhoofinta dhuxusha Dalka Soomaaliya ayaa ‘Maamulka’ halkaas ka arrimaya iska dhega tirey assagoo weli sii wada dhoofinta dhuxusha ee la maamnuucey, waxaana iminka si howli ah magaalada Baraawe ka socda dhoofinta Dhuxusha, iyadoo ay halkaas ku xiran yihiin 3 Markab iyo 3 Doonyood, kuwaas oo dhammaantood lagu rarayo Dhuxusha.
Dhaqaalaha ka soo gala Dhuxusha la dhoofinayo ayaa waxay ku dhacdaa jeebka Dhuxuloow, taas oo aan jirin cid kula xisaabtanta. Dhaqaalaha faraha badan ee uu ka helo dhoofinta Dhuxusha iyo Canshuuraadka kale oo ka soo gala Degmada ayuu Dhuxuloow ku isticmaalaa laaluush uu bixiyo iyo hub uu ka soo gatto dibadda kuwaas oo lagu xasuuqaayo cid kasta oo isku deyda in ay isbeddel keento.
Si kastaba ha ahaatee Degmada Baraawe ayaa waxaa lagu tilmaami karaa Degmo “Gooni-goosad” ah oo aan ku xirneyn dhammaan Dalka intiisa kale, iyadoo ‘Maamulka’ halkaas ka jira ee Degmadaas si xoog ah ku haysta uu go’aankaas qaatey. Mas’uuliyiinta Gobolka ayaan marnaba ka hadlin dhibaatada ka jirto Degmadaas iyadoo aan la garaneynin inay u taag waayeen iyo inay sidaas kula heshiiyeen.
Bishii la soo dhaafey ayaa ciidanka Itoobiya oo ay la socdaan saraakiisha Gobolka Shabeellada Hoose gaareen oo weliba dhowr habeen ku negaadeen magaalada Baraawe. Saraakiishaas ayaa kulan la yeeshey odeyaasha Degmada iyo xubnaha Maamulka ay Dowladda soo dhistey oo Cali Marduuf uu Guddoomiye u yahay. Intii ay Saraakiishaas ku sugnaayeen magaalada Dhuxuloow iyo maleeshiyaadkiisa waxaay qariyeen hubka waaweyn oo ay haystaan, waxaanay isku rogeen Booliiska Dowladda iyagoo weliba soo labistey tuutaha Booliiska Dowladda. Arrintaas ayaa layaab ku noqotey dhammaan xubnaha martida ahi iyo dadka Degmada waayo waa markii ugu horeeysa oo lagu arko maleeshiyaadka oo labisan tuutaha Dowladda. Taliyaha Booliiska Gobolka Cali Ganey ayaa muujiyey in uu arrintaas ka xunyahay assagoo weligiisa ay ka muuqattey caro aad u badan.
Cabdullaahi Xalane Dhuxuloow oo da’diisu ku dhowdahay 70 jir ayaa ku xiran maleeshiyaadka ka arramiya Gobolada Jubbooyinka kuwaas oo ayaguba ka soo duuley Gobolada Dhaxe iyagoo ku bahoobey “Isbahaysiga Dooxadda Jubba” iyo “Walaalaha Galgaduud”.
Ugu dambeyntii Degmada Baraawe ayaan Dalka intiisa kale ka go’anaaneysa intii uu ‘Maamulkeedu’ gacanta ugu jirto C/llaahi Xalaney Dhuxuloow, kaas oo aan marnaba diyaar u ahayn in lala wadaago Maamulka iyo Dhaqaalaha Degmadaasi leedahay.
Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Baraawe
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.co.,Bokoola@gmail.com
* Filed Under:
Top Headlines (English)
* add new comment »


