Dowllad-Goboleedka Koonfur-Galbeed Oo Weli Gadaal Laga Riixayo.

05/12/08
Aadan Cusmaan - SSMC-BaydhaboFormat for printing    

Baydhaba 12 May 2008 [SSMC].

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Magaalada Baydhabo uu ka socdo qorshayaal lagu doonayo in lagu dhiso Ismaamul Goboleedyo ay yeeshaan ilaa iyo 6 Gobol oo ku yaalla Koonfurta-Galbeed Soomaaliya.

Qorshahan Siyaasadeed oo ay damacsan yihiin in badan oo ka mid ah dadka hadda hormuudka u ah Gobolladaas oo ay ku jiraan Jubbooyinka, Baay, Bakool, Gedo iyo Shabeellaha Hoose ayaa si weyn looga hadal hayaa Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay.

Shalay ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka furmay  kulan ballaaran oo ay yeesheen ku dhawaad 100 ruux oo isugu jira Odayaal Dhaqmeedyo, Siyaasiyiin, Aqoonyahano iyo Xildhibaanno  ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle, kaas oo looga arrinsanaayey dhismaha Maamul Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ujeedada kulankan ayaa ahaa inay  is cafiyaan Beelaha Digil iyo Mirifle, ayna u dhistaan Maamul sal adag oo uu yeesho Deegaannadooda, sida uu  noo sheegey Siyaasi ka qeybgaley shirkaas oo magaciisa la yiraahdo Cali Xasan, wuxuuna sheegey in lagu ballamey in la sameeyo Guddiyo arrintaas ka soo shaqeeya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa si weyn ugu Mashquulsan sidii loo dhisi lahaa Maamulka Koonfur-galbeed, waxaana  uu sheegay in loo baahan yahay in dib loo soo nooleeyo Dowllad Goboleedkii Koonfur-Galbeed oo uu  mar Madaxweyne ka noqdey  Shaatigaduud.
 
Laakiin qorshahaas mid ka duwan ayaa waxaa watta Siyaasiyiin kale oo iyaguna doonaya inay sammeeyaan Ismaamul Goboleed la Yiraahdo Jubbland, waxaana Siyaasiyiintaas hormuud ka ah Barre Hiiraale oo weli u hammuun qaba inuu najaxiyo Dhismaha Jubbalnd assagoo haatan meelmarinta qorshahaas ka wada Magaalada Kismaanyo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Barre Hiiraale iyo Beeshiisa oo ka soo duuley Gobollada Dhaxe ayaa waxay ku haminayaan inay sammeeyaan Maamul Goboleedka Jubbaland islamarkaasna ay Madax iyagu ka noqdaan, iyagoo aan haba yaraatee taageero uga haysanin Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee degan Gobollada Jubbooyinka.

Beelaha ugu badan Gobollada Jubbooyinka ayaa weli war ka soo saarin qorshaha uu watto Barre Hiiraale ee dhismaha Jubbaland. Sidoo kale waxaysan ka hadlin Qorshaha ay wattaan Siyaasiyiinta Beelaha Digil iyo Miriflle ee ah dhismaha Maamul Goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Waxaa aad u kala fog qorshaha uu watto Barre Hiiraale iyo midka ay wataan Siyaasiyiinta iyo Xildhiibaannada Digil iyo Miriflle oo aaminsan inay qeyb weyn ku leeyihiin Gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee Barre Damac uga jiro inuu gooni u goosto, taas oo ay ku sheegeen inay tahay riyo aan suuroobi karin.

Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Baydhaba
Aadan Cusmaan
Bokoola@gmail.com,Bokoola@hotmail.com