Dowlladda Kumeelgaarka Iyo Ciidamada Itoobiyaanka Caqabad Culus Ka Soo Wajahdey Jidka Isku Xira Muqdisho Iyo Baydhaba.

05/12/08
Aadan Cusmaan - SSMC-MuqdishoFormat for printing    

Leego [SSMC] 12 May 2008.

Maamulka Dowlladda Kumeelgaarka, Saraakiisha Ciidamada Dowlladda iyo Ciidamada Itoobiya ayaa waxaa soo wajahey caqabad aad u sarreysa ka dib markii kooxaha ka soo horjeeda Dowlladda gaar ahaan Ururka Al-Shabaab ay isku safeen jidka dheer ee isku xira Gobollada Koonfureed iyo Magaalada Muqdisho iyagoo halkaas ka ugaarsada Ciidamada Itoobiyaanka iyo Saraakiisha Dowlladda.
 
Asbuucan gudihiisa aya Ururka Al-Shabaab waxaa u suuragashey inay weerar geystey dhimasho iyo dhaawac la beegsadaan Ciidamda Itoobiya inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaqbariweyn. Sidoo kale waxay weerar ku qaadeen kolonyo Ciidamo ilaalo u ah Wasiirka Maaliyadda kuwaas oo laga diley 5 ruux loogana dhaawacey 7 kale, islamarkaasna laga qaatey 2 Baabuur.
 
Sidoo kale waxaa maanta weerar jidggooyo ah lagu qaadey Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka yimid dhinaca Magaalada Baydhaba, kuwaas oo weerarka lagu qaadey looga gubey hal gaari oo Uural ah, waxaana goobtaas ka dhacey weerar culus oo ay isdhaafsadeen Ciidamada Itoobiya iyo kooxaha mucaaridka ah, waxaana dadka halkaas ku sugan sheegayaan inuu jiro qasaare culus oo soo kala gaarey dhinacyada dirirtu dhaxmartey.
 
Dhowaan ayaa waxaa hadal uu soo saarey Wasiirka Arrimaha  Gudaha iyo Amniga Qaranku ku sheegey inay gacan bir ah ku qaban doonaan kooxaha amaandarrida halkaas ka wada sida uu sheegey, hase yeeshee Kooxaha Mucaaridka ayaa weerararooda sii laban laabey.
 
Gobolka Shabeellada Hoose oo aan waxyeello loogu geysan jirin Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlladda Kumeelgaarka ah iyadoo arrintaas ay suurageliyeen Maamulka halkaas ka jira iyo kooxaha Mucaaridka oo sidaas ku heshiiyey oo uu Gobolku noqdo Gobol nabad ah oo ay si toos ah u mari karaan kooxaha isku haya Siyaasadda Soomaaliya, waxayna haatan soo ifbaxaya inuu heshiiskaas meesha ka baxey.
 
Shabakadda wArabaahinta [SSMC] Leego
Aadan Cusmaan
Bokoola@gmail.co,,Bokoola@hotmail.com