Khilaaf Cusub Oo Ka Dhax Qarxey Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.

05/13/08
Aadan Cusmaan - SSMC-MuqdishoFormat for printing    

Marka [SSMC] 13 May 2008.

Maamulka Sare ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa soo kala dhaxgaley khilaaf cusub, kaas oo ka dhashey arrimo fara badan oo isbiirsadey, waxaana khilaafaadka muuqda ka mid ah mid ka dhashey xarigga dhowaan loo geysystey Guddoomiyaha Maxkamaddda Degmada Marka ahna Kusimaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Gobolka Jeylaani Qaalli Huurshe.
 
Xarigga Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa waxaa ka dambeeyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, Kuxigeenkiisa dhinaca Nabadgeliyada, Xoghayaha Gobolka iyo Taliyaha Saldhigga Degmada Marka, iyadoo xariga Guddoomiyaha Maxkamadda uu ka dhashey inuu sii daayey Sulddaan Cabdi Sheekh Yuusuf oo lagu xirey Xarunta Gobolka kaas oo ay xariggiisa ka dambeeyeen Guddoomiye Kuxigeenka amniga Gobolka iyo Xogahaya Gobolka ka dib markii wiil istaaf u ahaa uu diley qof ka mid ah Qoyska Salaaddiinta Beesha Geledi, kaas oo qudhiisu ku xiran yahay magaalada Marka.
 
Haddaba Guddoomiayaha Maxkamadda Jeylaani Qaalli Huurshe ayaa soo saarey ammar faraya in la sii daayo Sulddaanka oo xarigiisu yahay mid Sharci darro ah, assagoo sheegey in ninka falka dilka geystey uu xiran yahay Xarigga Sulddaankuna uu yahay mid Sharci darro ah sidaasna lagu sii daayey.
 
Markii ay taasi dhacdey ayaa waxaa qolada Sulddaanka xirtey oo la tashadey Guddooomiyaha  Gobolka ayaa xirey Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Marka iyo tan Gobolka ee Jeylaani Qaalli Huurshe, xariggaas oo ahaa mid aysan sharci iyo awood u lahayn ee iska ahaa mid indha la'aan iyo awood sheegad ah, laakiin waxaa ka badbaadiyey Ciidamada Beeshiisa ee Maamulka ku jira sidaasna ayuu hadda xor ku yahay oo Afgooye ku joggaa.
 
Waxa arrintii sooo fara geliyey Taliyaha Booliska Gobolka Shabeellada Hoose Cali Aadan Cali "Cali Ganey", assagoo sheegey in Xarigga Guddoomiyah uu yahay mid Sharci darro ah, arrintaas ayaa keentey inuu khilaaf hor leh ka dhax qarxo, intii heshiiska ku ahayd Maamulka Gabolka Shabeellada Hoose oo xittaa gaartey in Taliyaha Booliska kooxda Marka haysatey ka mamnuucdey inuu soo galo Marka, taas oo markhaati ka dhigeysa in Gobolka ay ka Taliyaan Malleeshiyaadka hal qabiil ah.
 
Si kastaba ha ahaatee khilaafaaddka Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa sida la sheegey soo fara geliyey Odeyaal dhaqameedka Beesha ay ka soo jeedaan Guddoomiayah Gobolka, Taliyaha Booliska iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Marka. Markii la wada hadley ayaa waxaa si guud khaladaadkii dhacey dusha u rittey Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose oo isku duuban, iyadoo wixii dhaceyna lagu sheegey khalad u dhacey si lama filaan ah, iyadoo Xubnihii ku lugta lahaa Xariga Guddoomiayaha Maxkmadduna ay raalligelin ka bixiyeen xaalkana lagu dhammeeyey si xaalmastuur ah.
 
Iyadoo arrintu halkaas joogto oo wixii dhacey la qaboojiyey ayaa waxaa Saxaafadda ka hadley Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose, oo sheegey inuu Xilkii Guddoomiyenimo iyo kan Kusimaha Maxkamadda Gobolka uu ka qaadey Jeylaani Qaalli Huurshe iyo Garsoore kale, assagoo ku eedeeyey inay sameeyeen wax isdaba marin ah, wuxuuna magacaabey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Gobolka, Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Marka iyo Garsooreyaal  cusub.
 
Arrintaas ayaa waxay mar kale qarxisey khilaaf aad u ballaaran oo wada saameeyey Maamulka Sare ee Gobolka, Beelaha ay ka soo jeedaan Xubnaha Xilka laga qaadey iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Garsoorka Qaranka, iyadoo arrintu ay gaartey Dowlladda Dhaxe, Baarlamaanka iyo Madaxtooyada Xukuumadda Soomaaliya.
 
Khilaafka cusub ayaa wuxuu horseedey in Taliyaha Booliska ee Gobolka ammar ku bixiyo in la soo xiro Guddoomiyeyaasha cusub ee la magacaabey, arrintaas oo uu kaga dabaaqtamayo xil ka qaadista uu ku dhawaaqey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose C/qaadir Sheekh Maxamednuur uu xilka kaga qaadey Jelaani Qaalli Huurshe, islamarkaasna magacaabey Guddomiyeyaal Cusub. Tani waxaay billow u tahay soo afjaridda Maamulka Gobolka oo aan caga badan ku taagneyn, waxayna fursad u tahay dad badan oo hore loo caburiyey awoodna loo sheegtey.
 
Si kasta ha ahaatee waxaa dhashey khilaaf aad u sarreeya oo soo kala dhaxgaley Maamulka Isbaheysiga Gobolka Shabeellada Hoose oo ka kooban Affar qabiil oo ku heshiiyey inay wadaagaan dhaqaalaha ka soo xarooda Gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo kala ah Ceyr, qeyb yar oo ka mid ah Beesha Garre, Murursade iyo Wacdaan. Isbaheysigan oo soo shaqeeynaayey muddo ku dhow hal sano  ayaa hadda aad ugu dhow inuu burburo.
 
Khilaafkan ayaa ku soo beegmey xilli la hadal hayo in gebi ahaan meesha laga saaro Maamulka hadda ka jira Gobolka Shabeellada Hoose ee uu madax ka yahay C/qaaddir Sheekh Maxamednuur, iyadoo warku intaas ku darayo in xarigga iyo beddelaadda uu Guddoomiyuhu kula dhaqaaqey Jeylaani Qaalli Huurshe ay salka ku hayso beddelaadda Maamulka uu assagu horkacayo.
 
Warar aad ugu dhow dhinacyada khilaafka ba'ani soo kala dhaxgaley ayaa sheegaya inuu Guddoomiye C/qaaddir uu si weyn uga tuhun qabo in Guddoomiyaha Gobolka loo magacaabo Jelaani Qaalli Huurshe, iyadoo  ilo wareedyo si aad ah asaga ugu dhow aan  warkaas ka helney. Warka ayaa intaas ku daraya in Xubno iskugu jira Siyaasiyiin, Odeyaal Dhaqameedyo ka soo jeeda Beelaha Biimaal iyo Digil ay Dowlladda ka codsadeen in Guddoomiayaha Gobolka laga dhigo Jeelaani Qaalli Huurshe.
 
Haddaba si aan arrintaas u xaqiijinno ayaan waxaan la xiriirrey Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Marka Jelaani Qaalli Huurshe oo iminka ku sugan Degmada Afgooye, waxaanna weydiinney warka sheegayo in loo magacaabi rabo Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose? Wuxuu noo sheegey inay arrintaas shan bilood ka hor ay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlladda Kumeelgaarku u soo bandhigeen, hase yeeshee aan markaas uu sheegey in haddiiba Gobolkan Dowlladdu dooneyso inay wax ka qabato ay la shaqeyn laheyd Guddoomiyaha iminka jira wuxuuna ku darey in ay micna ku fadhinin in uu xilkaas qabto. Wuxuu taasi ku darey: “Haddii Ciidan ku filan ay Dowlladu Gobolka keenin, iyadoo sidan ah haddii aan xilkaas qabto waxay la mid noqoneysaa sida hadda ka taagan Gobolka, marka arrintaas illaa ay Dowlladdu la timaaddo istaraatiijiyad kale diyaar uma ahi”,  ayuu warkiisa ku darey.
 
Mar aan weydiyey sida uu u arko xarigga loo geystey iyo xilka laga qaadey, wuxuu sheegey in, “dadka arintaas sameeyey aysan aqoonin xilka iyaga saaran iyo kan aan anigu hayo, awood uma laha inay i  xiraan ama xil iga qaadaan, ama xil kale oo Garsoor ah magacaabaan, haddii uu jiro Sharci wax qabanaya, waxay gacanta ku sittaan xarigii qoorta looga xiri lahaa, nasiib darro ma jirto Sharci iyo kala dambeyn arrintaas lagu kala bixi lahaa, falka ay hadda ku dhaqaaqeenna wuxuu la mid yahay kii soo jirey mudada 18ka sanadood ee ay Dowllad la'aantu jirtey”.
 
Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Marka
Aadan Cusman
Bokoola@hotmail.com,Bokoola@gmail.com