Degmada Baraawe oo noqotey Degmo Gooni-Goosad ah
Degmada Baraawe oo noqotey Degmo Gooni-Goosad ah (Qeybta 2aad)
Baraawe [SSMC] 8 May 2008
Maamulka ka arrimiya Degmada Baraawe ayaan ku xirneyn oo wadashaqeyn buuxda ka dhaxeynin Maamulka Gobolka Shabeellada hoose iyo Dowlladda kumeelgaarka ah,waxaana Maamulkaas uu isu madaxbaneeyey dhammaan dhaqdhaqaaqa Maamul iyo midka dhaqaaleed ee ay Degmadaasi leedahay.Malleeshiyaadka Maamulka Gobolka Shabeellada hoose ayaan ka howlgalin Degmada,halka ay ka howlgalaan dhammaan Degmooyinka kale ee Gobolka Shabeellada hoose,waxaana Malleeshiyaadka ka howlgala Degmadaas dhammaantoodu yihiin Jufada uu ka soo jeedo C/llaahi Xalane Dhuxuloow,oo aan haba yaraatee oggoleyn Malleeshiyaad ka madax banaan beeshiisa inay ka shaqeeyaan Degmadaas,marka laga reebo Odeyaal uu wax ka siiyo Canshuuraadka uu ka qaado dadkooda.
Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha amaanka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaan faragashan Maamulka iyo amniga Degmadaas,iyadoo ay taasi u muuqato inay raalli ka yihiin (Gooni Goosadka Maamulka Degmadaas),inkasta oo aan la ogeyn inay dhinaca dhaqaalaha ay wadaagaan,Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka oo magaciisa qariyey ayaa noo sheegey inuu jiro dhaqaale aan xaddigiisa la ogeyn inuu soo gaarsiyo Masuuliyiinta amniga Gobolka.
Sidoo kale Dowlladda kumeelgaarka oo tiro laba jeer ah soo saartey amar lagu mamnuucayo dhoofinta Dhuxusha Dalka Soomaaliya,ayaa Maamulka halkaas ka arrimaya iska dhega tirey asagoo weli sii wada Dhoofinta Dhuxusha ee la maamnuucey,waxaana iminka magaalada Baraawe ka socda dhoofinta Dhuxusha,iyadoo ay halkaas ku xiran yihiin 3 Markab iyo 3 Doonyood,kuwaas oo dhammaantood lagu rarayo Dhuxusha.
Dhaqaalaha ka soo gala Dhuxusha la dhoofinayo ayaa waxay ku dhacdaa Jeebka Dhuxuloow,taas oo aan jirin cid kula xisaabtanta,Dhaqaalaha faraha badan leh ee uu ka helo dhoofinta Dhuxusha,iyo Canshuuraadka ka soo gala wada iyo Degmada.Si kastaba ha ahaatee Degmada Baraawe ayaa waxa lagu tilmaami karaa Degmo “Goonigoosad” ah oo aan ku xirneyn dhamaan Dalka intiisa kale,iyadoo Maamulka halkaas ka jira ee Degmadaas si xoog ah ku haysta uu go’aankaas qaatey,Masuuliyiinta Gobolka ayaan marnaba ka hadllin dhibaatada ka jirto Degmadaas;iyadoo aan la garaneynin inay u taag waayeen iyo inay sidaas kula heshiiyeen.
Ugu dambeyntii Degmada Baraawe ayaan Dalka intiisa kale ka go’anaaneysa intii uu Maamulkeedu gacanta ugu jirto C/llaahi Xalaney Dhuxuloow,kaas oo aan marnaba diyaar u ahayn in lala wadaago Maamulka iyo Dhaqaalaha Degmadaasi leedahay!
Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Baraawe
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.co.,Bokoola@gmail.com
* Filed Under:
Press Releases
* add new comment »


