Degmada Baraawe Oo Noqotey Degmo Gooni-Goosad Ah.

05/15/08
Aadan Cusmaan - Baraawe [SSMC] 5 May 2008.Format for printing    

Baraawe [SSMC] 5 May 2008.



Waxaa laga yaabaa dad badan oo ka mid ah akhiristeyaasha boggeenna in ay si aad ah ula yaabaan cinwaanka marka ay arkaan, hase yeeshee waxaad arki doontaan caddeymo aan u hayno halku dhigga cinwanka maqaalkan ee ku saabsan gooni isu taagga Degmada Baraawe.


Degmada Baraawe ee ku taalla Koonfurta Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa lagu tilmaami karaa magaalo gooni goosad ah oo aan la haysanin dalka intiisa kale marka laga reebo magaalada Kismaanyo oo ay isku “shabakad” ku jiraan.
Magaalada aan ka hadleyno oo leh taariikh xadaaradeed oo aad u fog ayaa maanta waxay ka mid tahay magaalooyinka ay sii lumayaan taariikhdooda fog iyo midda dhowba ka dib markii  ay meesha ka baxdey Dowlladdii Dhaxe ee Soomaaliya ayna gacanta ku dhigeen kooxo ka yimid Bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo gebi ahaan la wareegey agab kasta oo ay magaaladaasi leedahay.


Marka aan dib ugu soo laabanno magaalada Baraawe ayaa markii ay Dowlladdu burburtey waxay marin u noqotey kooxaha isku haayey qabsashada Gobollada Koonfurta Soomaaliya, iyadoo mar waliba ay gacanta ku dhigeeysey koox gaar ah, hase yeeshee markii ugu dambeeysey waxaay ku xasishey gacanta “Isbaheysigii” uu madaxda ka ahaa Gen. Ceydiid (SNA).
Waxaa “Isbaheyigaas” magaalada Baraawe wakiil uga noqdey ninka illaa haatan gacanta ku haya oo la yiraahdo C/llaahi Xalane Dhuxuloow, wuxuuna maamulaa ilaha dhaqaalaha ee Degmada iyo kheyraadka dabiiciga ee Degmadu leedahay, mana jirto cid kula xisaabtanta.


Haddaba Degmada Baraawe oo tan iyo intii ay meesha ka baxdey Xukuumaddii Dhaxe ee Soomaaliya ayaa waxaa gacanta ku haya Dhuxuloow iyadoo Xukuumadda dalka soo marey intii burbruka lagu jirey ay dhammaantooda wax isbeddel ah ku sameynin, marka laga reebo muddo yar oo halkaas ka wareejiyeen Xooggagga Shabaabka oo uu horkacaayey Maxruum Aadan Xaashi Ceyroow. Markii ay Xoogaggaas meesha ka tageenna waxaa mar kale gacanta ku dhigey Dhuxuloow waxaana assagoo gacanta ku haya magaalada loo magacaabey Guddoomiye Kuxigeenka Degmada, xilkaas oo uu u magacaabey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, hase yeeshee awooddiisa iyo haysashadiisa Degmada Baraawe weli meesha kama bixin.
Wuxuu Dhuxuloow ka horistaagey in uu shaqeeyo Guddoomiyaha ay Dowlladdu soo magacowdey, assagoo illaa hadda gurigiisa ku jira ee aan ka soo bixin. Haddaba tan iyo intii Dhuxuloow Guddoomiye Kuxigeen loo magacaabey waxay Dowlladdu  soo saartey ammarro kala duwan oo lagu mamnuucaayo dhoofinta dhuxusha, ammarkaas oo la’iska dhegetirey oo weliba dhoofinta dhuxushana la sii dedejiyey.


 qeybta 2aad.  

Maamulka ka arrimiya Degmada Baraawe ayaan ku xirneyn oo wadashaqeyn buuxda ka dhaxeynin Maamulka Gobolka Shabeellada hoose iyo Dowlladda kumeelgaarka ah, waxaana Maamulkaas uu isu madaxbaneeyey dhammaan dhaqdhaqaaqa Maamul iyo midka dhaqaaleed ee ay Degmadaasi leedahay.

Malleeshiyaadka Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ayaan ka howlgalin Degmada, halka ay ka howlgalaan dhammaan Degmooyinka kale ee Gobolka Shabeellada hoose,waxaana Malleeshiyaadka ka howlgala Degmadaas dhammaantoodu yihiin Jufada  uu ka soo jeedo C/llaahi Xalane  Dhuxuloow,oo aan haba yaraatee oggoleyn Malleeshiyaad ka madax banaan beeshiisa inay ka shaqeeyaan Degmadaas, marka laga reebo Odeyaal uu wax ka siiyo Canshuuraadka uu ka qaado dadkooda.

Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha amaanka ee Gobolka Shabeellada Hoose ayaan faragashan Maamulka iyo amniga Degmadaas, iyadoo ay taasi u muuqato inay raalli ka yihiin (Gooni Goosadka Maamulka Degmadaas), inkasta oo aan la ogeyn inay dhinaca dhaqaalaha ay wadaagaan, Masuul ka tirsan Maamulka Gobolka oo magaciisa qariyey ayaa  noo sheegey inuu jiro dhaqaale aan xaddigiisa la ogeyn inuu soo gaarsiyo Masuuliyiinta amniga Gobolka.

Sidoo kale Dowlladda kumeelgaarka oo tiro laba jeer ah soo saartey amar lagu mamnuucayo dhoofinta Dhuxusha Dalka Soomaaliya, ayaa Maamulka halkaas ka arrimaya  iska dhega tirey asagoo weli sii wada Dhoofinta  Dhuxusha ee la maamnuucey, waxaana iminka magaalada Baraawe ka socda dhoofinta Dhuxusha, iyadoo ay halkaas ku xiran yihiin 3 Markab iyo 3 Doonyood, kuwaas oo dhammaantood lagu rarayo Dhuxusha.

Dhaqaalaha ka soo gala Dhuxusha la dhoofinayo ayaa waxay ku dhacdaa Jeebka Dhuxuloow,taas oo aan jirin cid kula xisaabtanta, Dhaqaalaha faraha badan leh ee uu ka helo dhoofinta Dhuxusha, iyo Canshuuraadka ka soo gala wada iyo Degmada.

Si kastaba ha ahaatee Degmada Baraawe ayaa waxa lagu tilmaami karaa Degmo “Goonigoosad” ah oo aan ku xirneyn dhamaan Dalka intiisa kale, iyadoo Maamulka halkaas ka jira ee Degmadaas si xoog ah ku haysta uu go’aankaas qaatey, Masuuliyiinta Gobolka ayaan marnaba ka hadllin dhibaatada ka jirto Degmadaas;iyadoo aan la garaneynin inay u taag waayeen iyo inay sidaas kula heshiiyeen.

Ugu dambeyntii Degmada Baraawe ayaan Dalka intiisa kale ka go’anaaneysa intii uu Maamulkeedu gacanta ugu jirto C/llaahi Xalaney Dhuxuloow, kaas oo aan marnaba diyaar u ahayn in lala wadaago Maamulka iyo Dhaqaalaha Degmadaasi leedahay!

 
Shabakadda Warbaahinta [SSMC] Baraawe
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.co.,Bokoola@gmail.com
 
 
 
 
 

The opinions contained in this article are solely those of the writer, and it does not represent the editorial opinions of the Southern Somali Union (SSU).