Dadaalka Beesha Caalamka ee Soomaaliya Ma Ka Mira Dhalin Karaan Xasilinta Soomaaliya ?Faallo

06/21/08
Aadan Cusmaan - Muqdisho [SSMC]Format for printing    

Muqdisho [SSMC] 20 June 2008-Tan iyo Markii ay Burburtey Xukuumaddii dhaxe ee Soomaaliya sanadkii 1991-kii Soomaaliya waxay gashey xaalado aad u adag,kaas oo ay sababeen dagaallo ay kooxaha Dowlladda afrogey ay iskaga hor yimaadeen,iyadoo kooxaha Dowlladda afgembiyey ay sii diyaarinin qorshe lagu dhisaayo Xukuumad beddesha tii la burburiyey.Kooxaha Dowlladday dumiyey oo ahaa 3 kooxood ayaa mid ka mid ah waxay lahayd ujeeddo aad u fog oo ka dheer in xukuumad la dhiso ama nidaam iyo kala dambeyn la helo,iyadoo taargadkoodu ahaa inay helaan Hub,hanti iyo Dhul barwaaqo ah oo ay qabsadaan,deegaan lagana daba hadlin ku yeeshaan Gobollada Koonfurta Soomaaliya. Ujeeddadaas ayaa keentey in markii ay xukuumaddu burburtey loo beddelo dagaallo qabiil,mid ku dhisan Isbaheysiyo,iyadoo macnaha fog ee laga leeyahay uu yahay in dad la bara kciyo si loo qabsado deegaanno cusub.arrintaas oo aakhirkii keentey inay dhacaan xaalado aad u qallafsan oo la soo gudboonaato dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka ku dhaqan Gobollada Koonfur iyo Koonfur-Galbeed,haba u sii darnaadeen dhulka u dhaxeeya labada Webi ee Shabeelle iyo Jubba.

Markii ay dalka ka dhacdey masiibo aadanimo ayaa waxay soo gurmadey Dowlladda Mareykanka oo taargadkeedu ahaa in Soomaaliya la gaarsiyo gargaar ballaaran oo lagu badbaadiyo kumunaanka qof oo maalin kasta ku dhimanaayey Gobollada Koonfureed oo dadkii deganaa la barakiciyey,wixii ay haysteenna laga qaatey,iyadoo gurmadka Mareykanka uu ku xigey in Soomaaliya arrimaheeda lagu wareejiyo Qaramada Midoobey.

Durbadiiba waxa arrintaas ka hor yimid Kooxihii ujeedkoodu ahaa inaan Soomaaliya nidaam iyo kala dambeyn loo helin illaa dadka Koonfureed u nuglaadaan in la qabsado dhulkooda,iyagana ay degaan halka ay dadkaasi laga  xaalufiyey,waxayna dagaal kala hor yimaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Qaramada Midoobey,taas oo aakhirkii keentey inay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Qaramada midoobey ka baxaan Soomaaliya,markii ciidamada Mareykanka lagu jiidjiidey waddooyinka magaalada Muqdisho.

Markii ay Mareykanka iyo  Qaramada Midoobey ka baxeen Soomaalia waxa mar kale dib u billowdey dagaallada Sokeeye oo ku dhisanaa qabiil iyo Isbaheysiyo huwan ujeeddooyin qabiil,intii markaas ka dambeyseyna waxa la qabtey shirar badan oo lagu doonaayey in Soomaaliya yeelato Dowllada Dhaxe,waxa ka mid ahaa kii lagu qabtey magaalada Soodare ee Dalka Itoobiya kii lagu qabtey Dalka Masar,Jabuuti kaas oo lagu dhisey Xukuumaddii Carta,waxaa ku xigey Shirweynihii lagu qabtey Dalka Kenya,kaas oo aakhrikii lagu soo dhisey Xukuumadda Federaalka ee iminka ka jirta dalka.Kooxaha aan dooneynin in la helo Dowllad caadil ah oo ay Soomaaliya yeelato ayaa mar kale waxay billaabeen inay ka hor yimaadaan xukuumaddii ay iyagu wax ka soo dhiseen,haba ugu darnaadeen hoggaamiye kooxeedyada magaalada Muqdisho,iyagoo qeybo ka mid ah Baarlmaanka la soo galey magaalada Muqdisho.

Iskudeygooda ayaa waxa ka dhashey inay Sameeyaan Isbaheysi la yiraahdo Argaggaxiso la dirirka kaas oo maalgelin dhaqaale ka haystey Dowlladda Maraykanka,waxaana markiiba ka hor yimid Ururro Islaami ah oo isbiirsadey,kaas oo uu Saldhig u ahaa Maxkamadaha Islaamiga ah oo ku dhisnaa qaab beeleed,hase yeeshee markii la asaasey ururkii Ashahaado la dirirka oo dilaayey dhoofinaayey qof kasta oo ay ka muuqato Sunnada Islaamka,tallaabadaas ayaa keentey inay Isbaheystaan Maxkamadaha beelaha ku dhisnaa iyo ururada Islaamiga ee Dalka ka jirey,waxayna taageero aad u ballaaran ka heleen dhammaan Shacabka Koonfurta bartamaha Soomaaliya iyo ganacsatada Waaweyn ee magaalada Muqdisho,waxayna aakhirkii xididada u siibeen hoggaamiye kooxeedyada Isbaheysiga ku bahoobey.

Dadka Soomaaliyeed oo muddo aad u fog la degtey caddaalada darro aad u weyn tan iyo intii la qaatey xornimada ayaa mar qura meel walba ka istaagey si ay u taageeraan Maxkamadaha Islaamiga ah,taas oo fududeysey inay gacanta ku dhigaan dhammaan Gobollada bartamnaha iyo Koonfurta,hase yeeshee inta ay socdeen ololaha Maxkamadaha Islaamiga ah,waxa jirey guux aad u weyn oo ka jirey meelo badan oo ka mid ah dalka,gaar ahaan dadka Gobolka Shabeellada Hoose oo markaas uu haystey maamul ay iyagu ku qanacsaneyn.Guulaha ay sida fudud ku gaareen Maxkamadaha ayaa waxa dad badani ku sheegeen inay tahay,iyadoo Kitaabka loo siman yahay oo ay dadku wada aamineen,laakiin marka so’aalo fara badan ka timid Gobolka Shabeellada Hoose,ayaa shaki fara badan abuurey iyadoo dadku u arkayeen  in la hareer marey Kitaabka,sida ay sheegeen culumo fara badan.

Waxaana loollan ka dhax billowdey hoggaamiyeyaasha Maxkamadaha oo qaar ka mid ah doonayeen in wax walba la waafajiyo Shareecada Islaamka,halka qaarna ay ka dhax wadeen dano shaqsiyadeed iyo dano qabiil,taas oo keentey markii qaar ka mid ah ogaadeen in dantooda ku jirin inuu maamulkan Islaamiga ahi uu sii jiro ay dhabarjebin Siyaasadeed ku dhaqaaqeen.Waxa mar qura Indhaha Soomaaliya ku soo jeediyey dhammaan waddamada caalamka ugu awoodda badan oo uu Mareykanku ugu horreeyo,asagoo Maxkamadaha u arkey inay yihiin Dhaalibaanta Geeska Afrika,waxana billowdey qorshe Maxkmadaha lagu burburinaayo awooddooda,iyadoo laga faa’ideysanayo hadal uu soo saarey mid ka  mid ah hoggaamiye Kooxeedka keliya ee Maxkamadaha ku jirey oo ahaa in Addisabab toddobaad gudihiisa ku qabsan doonaan.Hadalkaas oo fursad u noqdey Dowlladda Kumeelgaarka oo markaas,ku ekeyd magaalada Baydhaba,Dowlladda Itoobiya oo raadineysey fursad ay Soomaaliya ku qabsato iyo Dalka Mareykanka oo raadinaayey awood uu ku jebiyo quwadda Islaamiga ah ee ka soo baxdey Waddanka Gaaska Afrika,intaas oo sibiirsadey ayaa mar qura weerar culus ku soo qaadey Maxkamadaha,taas oo aakhirkii keentey in  laga awood roonaado.

Marka aan dib ugu laabanno beesha Caalamku tan iyo intii ay burburtey Xukuumadda Soomaaliya dan iyo heello kama lahayn Soomaaliya,shirarka Soomaalia loo qaban jirey mar walba waxa dhabarka ka wareemaayey quwadaha waaweyn oo markaas dooneynin in Soomaaliya yeelato Dowllad,haddaba markii la arkey in Soomaaliya uu ku sii fidaayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka,ayaa mar qura Indhahooda ku soo jeediyeen,waxayna bellaabeen inay dhinaca Siyaasadda iyo awooddaba isku biiriyaan oo iminka waxay doonayaan inay Soomaaliya yeelato Dowllad iyo nidaam ay ka heli karaaan danaha ay leeyihiin.

Dhowaan ayaa waxa wadahadal iyo heshiis wada gaarey dhinacyada isku hayey Siyaasadda ee Dowlladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib-u xoreynta Soomaaliya,iyadoo heshiiskaasi uu keeney inuu Isbaheysigu laba garab u kala jajabo,waxaana heeshiis wada saxiixey Dowlladda iyo garabka ay hoggaamiyaan labada Shariif.

Haddaba waxa so’aali ka joogtaa iyadoo ururka Al-Shabaab oo Mareykanku ku darey Liiska Argagaxisada caalamiga uu gebi ahaan diiddan yahay in wax wada hadal nabadeed lala yeesho Dowlladda Kumeelgaarka,iyo Isbahaysiga Asmara ku sugan ay diiddan yihiin heshiiskaas,beesha caalamku ma ku guuleysan kartaa inay meel mariso?So’aashaas oo ay in badan isweydiyaan waxgaradka Soomaaliyeed,ayaa u baahan in looga jawaabo si aad u qoto dheer oo aysan ku jirin laab lakac iyo rabitaan dhinac keliya,waxayna u furan tahay dhammaa akhristeyaasheena sharafta leh. 

Waxa laga yaabaa inay arrintani aakhirkii noqota tan ka jirta waddamada Ciraaq iyo Afgaanistaan,oo waddamada ugu awoodda badani ku sugan yihiin tabar iyo taag ay u la’ yihiin,Soomaaliyana taas kama duwana waxayna ku socotaa tubta labadaas waddan,inkasta dhaqamada kooxaha ka jira labada waddan iyo Soomaaliya uu aad u kala duwan yahay.

Kooxaha ka jira Ciraaq iyo Afgaanistaan danahooda ugu weyn waa Islaamka oo ay isku xukumaan iyo waddaniyadda ay leeyihiin oo aad u qoto dheer,laakiin Soomaaliya iyadoo ay jiraan dad badan oo Islaanimadu ku dheer tahay jejeclna in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka,ayaa haddana waxa aad ugu dhax Milan kooxo ay madaxa martey qabiil iyo dano gaar ah,taasna waxay mar kasta dhaawac u keentaa halganka ay ku jiraan Islaamiyiinta Soomaaliya. 

Xafiiska Shabakadda Warbaahita [SSMC] Soomaaliya.

Aadan Cusmaan
Bokoola@gmail.com