Qarax Miino oo Maanta Ka Dhacey Baydhaba
Baydhaba [SSMC] 14 Sept 2008-Qarax ka dhashey Miinada meelaha fog laga hago,ayaa Maanta lala beegsadey ciidamada dowlladda kumeelgaarka Bartamaha Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Qaraxa Miino ayaa haleelay Gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa DKMG ah,kaas oo la sheegey inay ku dhaawacmeen 3-Askari oo ka mid ah Ciidamadii Saarnaa Gaariga.
Gaariga uu Qaraxa Miino haleelay ayaa lagu waramayaa inuu leeyahey taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Bay,Cabdi Macalin,balse xilliga weerarka Miino lala beegsadey uusan la soconin gaariga.
Qarax ka dib ciidamadaa ayaa rasaas xooggan dhan walba u furey,taas oo aan la ogeyn inta uu leegyahey qasaaraha ka dhashey ee soo gaarey Dadkii Rayidka ah ee goobta ka ag dhawaa.
Magaalada Baydhaba ayaa waxa ku soo badanaya weerarada iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo masuuliyiinta dowlladda iyo ciidamada dowlladda,kaas oo qas iyo jahwareer ka abuurey magaalada Baydhaba.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
News in English
* add new comment »


