Odayaasha Mudulood oo ka hadlay Xirnaanshaha Garoonka Caasumada Soomaaliya.
Muqdisho SSMC-Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muddulood oo ka mid ah Beelaha ugu waaweyn ee dega Gobalka Banaadir ayaa cambaareeyey xirnaanshaha Aadan Cadde Air Port oo ay hanjabaad ku xireen Ururka Al-Shabaab.
Odayaashan waxa ay shaley & xaley oo dhan lahaayeen wada hadallo ay ka lahaayeen Mustaqbalka garoonkaasi,waxa ayna ugu baaqeen Shacabka Soomaaliyeed inay dantooda gartaan.
Afhayeen u hadley Odayaashan oo la yiraahdo Cali Cirro ayaa sheegey in xirnaanshaha Garoonka Muqdisho uu sumcad darro ku yahay Shacabka Soomaaliyeed iyo cid walboo dooneysa inay noqdaan Madaxda umada Soomaaliyeed.
Cali Cirro wuxuu sheegey inay aad uga xun yihiin Xirnaanshaha Garoonka Muqdisho,wuxuuna si gaar ah u sheegey inay kala hadlaan dhinacyada kala duwan ee isku haya Awoodda Muqdisho in Garoonka Muqdisho la furo.
Waxa Odayaashan si wada jir ah ugu baaqeen Al-Shabaab in aysan xannibin danaha Umada Soomaaliyeed ee ay ka fiirsadaan go’aamada ay qaadayaan ayna si deg deg ah uga laabtaan Curyaaminta Shaqada shacabka Soomaaliyeed, Maadaama Garoonka uusan u shaqeyn oo kaliya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Beesha Muddullood waxay tahay beelaha looga dambeeyo ka hadalka Caasimadda Soomaaliya,marka laga hadlayo Taariikh,ahaan waa beesha dagta Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya,wuxuuna warkoodu ku soo beegmayaa xilli maalintii 4-aad xiran yahay Garoonka weyn.
Warqabadaka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
News in English
* add new comment »


