Diyaaraddii Labaad oo Soo Caga Dhintey Goroonka Muqdisho Intii ay Xireen Ururka Al-Shabaab.

09/22/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Muqdisho SSMC-Diyaaradii 2aad ayaa soo caga dhigatey Barqanimadii maanta Garoonka Caalamiga ah ee Aadam Cadde Airport,ayaa duushay ka dib markii ay dajisey Xamuul ay  waddey.

Diyaaraddan oo la sheegey inay leedahay Shirkadda Diyaaradah  ee “Gallad” ayaa waxa intii ay Garoonka ku sugnayd lala beegsaday tiro Hobiyeyaal  ah oo aan geysanin wax qasaare ah,marka laga reebo madaafiic ku dhacdey hareeraha Goroonka.

Shirkada Diyaaradaha  ee “Gallad Air Lien” ayaa la sheegayaa inay iyadu ka mid ahayd Shirkaddihii ay DKMG ah kala laabatey ruqsaddii ay ku adeegsan lahayd Garoonka Muqdisho,lamana garanayo xilligan sababta rasmiga ah ee ay uga soo degtey Garoonka ka dib markii laga qaadey ruqsadii,lamana yiqaanno inay jiraan arrimo hoose oo ay labada dhinac ku heshiiyeen. 
  
Waa diyaaradii 2-aad oo soo caga dhigata Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho tan iyo intii ay xoogagga Al-shabaab ku dhawaaqeen inay xireen Garoonka,waxana tallaabada xiritaanka Goroonka ka dhashey qasaare aad u ballaaran oo soo gaarey dadka shacabka ee magaalada Muqdisho,mana muuqdo xal laga gaarey arrintaas.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Osman
Bokoola@hotmail.com