Booliska Buntland oo Xoog Ku Soo Furtey Nin Jarmal ah oo Shaley La Afduubey.
Boosaaso SSMC-Booliska Maamul Gobeoleedka Puntland ayaa si xeeladesan ugu guuleystey inay soo furtaan nin Jarmal ah oo Dhaqtar ah,Islamarkaasna Muslim ah kaas oo kooxo Burcad ahi ka afduubeen magaalada Boosaaso.
Ninkan ayaa lala afduubey haweeneey Soomaali ah oo uu qabey,waxaana la aadey Buuraha ku teedsan magaalada Boosaaso in lala aadey,dhaqtarka oo magaciisa la yiraahdo Abuubakar ayaa wuxuu halkaas u yimid inuu barto qoyska uu gabadhha ka qabo iyo inuu wax ka qabto cusbitaallada Maamul Goboleedka Puntland si uu wax uga qabto.

Markii la afduubaayey ayaa la sheegey inuu ka yimid mid ka mid ah cusbitaallada magaalada Boosaaso;waxaana siideyntiisa si buuxda gacan uga geystey qoyska uu gabadha ka qabo iyo ciidamada Pooliska oo iskaashanaya,waxana burcadda weerar lagu qaadey xilli aroornimo ah oo ay isdhigteen,halkaas oo gacanta lagu dhigey mid ka mdi ah Burcadda iyo lamaaneyaasha afduuban.
Markii la soo furtey labada qof ayaa waxa xaflad lagu qabtey Madaxtooyada Puntland,waxana xafladdaas ka hadley Madaxweyne ku xigeenka Xasan Daahir Maxamuud,Gudoomiyaha Gobolka Bari Taliye ku xigeenka Booliska Puntland ahna sii hayaha taliyaha Poliska.
Ugu dambeysntii waxa hadallo mahadnaq ah halkaas ka jeediyey lamaaneyaasha isqaba,iyagoo si guud ugu mahadceliyey maamulka Puntland iyo ciidamada Booliska ee gacan ka geystey soo furashadooda,iyagoo sheegey in wixii ku dhacey ay u aqooonsan yihiin wax alle u qaddarey.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Wararka Maanta
* add new comment »