Barakacii Ugu Weynaa oo Ka Soconaya Magaalada Muqdisho.
Muqdisho SSMC-Magaalada Muqdisho ayaa waxa si weyn uga soconaya barakicii ugu weynaa ee la arko Sanadka 2008,ka dib markii ay Bisha Ramallaan si isdabajoog ah u dhaceen dagaallada u dhaxeeya kooxaha diiddan dowlladda iyo Joogitaanka Ciidamada Shesheeye ee Soomaalia.
Qaxa ayaa sii laba lexaadsadey ka dib markii ay dagaalyahanada Al-shabaab ay ku dhawaaqeen inay xireen Giroonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,iyagoo halkaas ku garaacaya Madaafiic iyo Hoobiyeyaal,taas oo waxyeello ballaaran ka soo gaarto dadka rayidka ah,halka ay ciidamada AMISOM,iyagana ay ku jawaabaan madaafiic aad u culus oo keentey dhimasho iyo dhaawac fara badan.
Waxaana intii la shaaciyey xiritaanka Goroonka Dadka dhintey tiradoodu kor u dhaaftey 300-qofood,halka dhaawacuna uu intaas labanlaab ku yahay,waxaana meelaha sida weyn looga qaxayo ka mid ah,degmooyinka Hodan,Howlwadaag,Wardhiiglleey iyo Wadajir.
Dadka Qaxaya ayaa waxay u qaxeen inta u dhaxeysa Afgooye iyo Muqdisho oo ay horey ugu sugnaayeen kumanaan qof oo ka barakacey magaalada Muqdisho,iyadoo dadka ugu badan ee ka qaxey magaalada Muqdisho ay u qaxeen halkaas.
Sidoo kale inta kale ee weli ku harsan magaalada ayaa xirxiranaya alaabtooda,kuwaas ay u qorsheysan tahay inay iskaga hayaamaan magaalada rabshadeysan ee Muqdisho.
Mana muuqata saansaan nabadeed ee ay dadku rajo ka qabaan,marka aad la sheekeysato dadka rayidka ee qaxaya ayaa kuu sheegaya inay ka qaxayaan madaafiicda dhinacyada dagaallamaya ay isku ridaan,halka dadka qaarkood oo baqaya ay kuu sheegayaan inay taageerada kala laabteen qaar ka tirsan garabyada Muqdaawimada oo ay hore u taageeri jireen,iyagoo taas sabab uga dhigaya inaysan marnaba u damqaneynin dhibaatada shacabka soo gaaraya.
Warqabadka SSMC Somaalia
Aadam Osman
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Wararka Maanta
* add new comment »


