Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka oo Eedeyn Kulul u Jeediyey Baarlamaanka.

09/24/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Baydhaba SSMC-Guddoomiye Ku xigeenka Baarlamaanka Federaalka DKMG ee Soomaaliya Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa eedeyN kulul u jeediyay xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka inay wadaan qorshe la isaga hor keenayo Madaxda sare iyo abuurista khilaaf hor leh oo dhasha.

Prof. Dalxa ayaa eedeyntiisa timid kadib markii xubno ka tirsan Baarlamaanka ay bilaabeen inay shirar isugu yimaadaan,iyadoo uu ku eedeeyey xubno ka tirsan Baarlamaanka inay abuurayaan khilaaf hor leh kaasoo uu sheegey in hadii uu dhaco ay xaaladda sidaan iska beddeli doonto,wuxuuna ka digey in laga fogaado wixii keeni kara khilaaf hor leh oo ka dhex bilowda madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya,xili Dowladda KMG ay ku guda jirto dib u heshiisiin ay la wado Mucaaradkeeda Hubeysan.

Guddoomiye Ku xigeenka ayaa sheegey inay haboon tahay in laga fiirsado go'aanka laga yeelayo xukuumadda KMG,wuxuuna ku eedeyey Mudanayaal baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan in ay wadaan falal ay doonayaan in ay ku dhacdo Xukuumada Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Aaden Maxamed Nuur (Aaden Madoobe) ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka u sheegey inuu dib ugu celinayo Madaxweynaha Soomaaliya go'aankii uu dhawaan diidey oo aan waxba laga badalin,taasna waxa ay keentey in Mudanayaashii diidanaa in Wasiirada lasoo celiyo ay qaataan Shirar & Kulamo ay uga hadlayaan xaaladaha ay abuureen.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka oo saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha dowlladda kumeelgaarka ah,ayaa iminka si weyn ula safan xildhibaaanada u ololeeya inay diidaan heshiiska uu asagu wax ka soo saxiiixey ee Saddaxda Masuul lagu soo heshiisiinayey.

Dowlladda kumeelgaarka oo la ciirsaneyd dhaqaale la’aan iyo awood la’aan ayaa haatanna waxa hareeyey khilaaf ka dhammaan la’a hoggaanka xukuumadda lama garanayo sida uu aayaheedu ku dambeyn doono.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan 
Bokoola@hotmail.com