Sheekh Xasan Turki oo Raalligelin Ka Bixiyey Hadal uu Sheegey Taliyaha Ciidamadamadiisa.

09/25/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Kismaanyo SSMC-Guddoomiyaha Jabhadda la magac baxdey Mujaahidiinta Islaamka ee Raaskaambooni Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (turki),ayaa maanta shir jaraa’id khadka telefoonka ku qabtey ee magaalada Kismaanyo,wuxuuna raalligelin ka bixiyey hadal uu shaley Muqdisho ka sheegey taliyaha Ciidamadiisa ee Sheekh Maxamed Dulyaddeyn. 

Sheekh Turki ayaa raalligelin ka bixiyey hadalka taliyaha,asagoo sheegey in ninka hadalku hareer marey oo uusan ula jeedin xummaan wuxuuna ka wadey dad ka tirsanaa Maxaakiimta ayaa ka leexdey hadafkii Maxaakiimta Islaamiga ah.

Madaxda Maxkamadaha ayaa iskhilaafey oo kala tagey Mooyee Maxkamaduhu ma burburin waxayna lafdhabar ka yihiin dagaallada looga soo horjeeda cadowgga iyo dabadhilifyadooda.

Sheekh Xasan Turki ayaa xusey inay ciidamadiisu qeyb ka yihiin dagaallada Jihaadka ah ee looga soo horjeeda cadowgga dalka haysta,wuxuuna ku baaqey inay midoobaan dhammaan mujaahidiinta dagaalka ku jirta. 

Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com