Markabkii 3-aad ee Laga Leeyahay Dalka Gariigga ayaa Galay Gacanta Burcad Badeedda Soomaalida

09/29/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Xarardheere SSMC-Markabkii 3-aad ee laga leeyahay dalka Gariigga ayaa galey gacanta kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ee ka qowleeysta Biyaha Soomaaliya. 

Hadal qoraal ah oo ay soo saartey hay’adaha badaha caalamiga ah ayaa lagu sheegey in kooxaha burcad badeeda Soomaalid ah ay gacanta ku dhigeen markabkii 3-aad ee laga leeyahay Dalka Gariigga. 

Markabkani ayaa la sheegey in la qafaashey Jimcihii laga soo gudbey kaas oo sidey Walxo kiimiko ah isla markana ay saarnaayeen ku dhawaad 19- shaqaale ah.

Markabkani oo aan la shaacin magaciisa ayaa waxaa la xaqiijiyay in kooxo burcad badeed Soomaali ah ay gacanta ku dhigeen xili uu marayey Biyaha Caalamiga. 

Afhayeen u hadley hay’adda Badaha caalamiga ah ayaa sheegey in Markabkani uu ka soo kicitimey qaaradda Yurub isla markaana uu ku sii jeedo wadamada Bariga Dhexe.

Todobaadkii tagay ayaa wasiirka Badaha wadanka Gariiga waxaa uu wasiirka Difaaca wadankaasi ka dalbday in xeebaha Soomaaliya loo soo diro markab dagaal si uu u furto 2-markab oo dalkasi laga leeyahay.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa lagu hesystaa ku dhawaad 10-markab oo laga leeyahay waddamo kala duwan kuwaas oo lagu heysto shaqalihii saarnaa.

Kooxo Buracadbadeedda Soomaaliya ayaa maanta qaatey lacagtii ugu faraha badneyd ee ay ka helaan afduubyada Maraakiibta,waxaana lacagtaas laga qaatey Markab sida Walxo kiimiko ah oo laga leeyahay dalka Malleeshiya,waxayna ku siidaayeen lacag gaareysa Labaatan Milyan oo doollar.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadan Cusmaan
Bokoola@hotmail.com