Heshiiska Beelaha Garre iyo Murule oo Weli Ka Socda Ceelwaaq.

09/29/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Ceelwaaq SSMC-Waxaa weli Soconaya wadahadalka iyo heshiiska u dhaxeeya beelaha Garre iyo Murule,kaas oo ay garwadeen ka yihiin Wasiirro ka tirsan Dowlladda Kenya,waxaana xubnaha heshiiska  wada ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga,iyo Wasiirka Gobolka Waqooyi-Bari Kenya iyo xildhibaanada laga soo doorto degmooyinka Mandera Ceelwaaq iyo Taakaaba.

Warka ayaa intaas ku daraya inuu shirkaasi socon doono laba maalmood oo kale,waxana la sheegey in qodobada gaar heshiis laga gaarey dhinaca dowlladda iyo beesha Garre islamarkaasna ay saxiixeen masuuliyiinta Beesha Garre iyo dowlladda.

Hase yeeshee Masuuliyiinta beesha Murule ayaa ka biyo diiddan yihiin qodobada qaar gaar ahaan tuullada Allango oo dagaalku xuddun u yahay,waxaana la sheegey in arrinta uu sii cakirey hadallo uu soo jeediyey Xildhibaanka laga soo doorto Bariga Mandera ee Qaras,asagoo ku doodey in beeshiisa loo oggolaado inay ku soo laabtaan Guryaha ay ku leeyihiin degmada Ceelwaaq Kenya iyo deegaanka Wargaduud.

Hase yeeshee arrintaas ayaa waxa si weyn u diidey xildhibaanada Beesha Garre oo Gaashaanka ku dhuftey soo jeedinta xildhibaanka,waxayna arrintaas ku xireen marka Beesha Murule deegaanada laga soo kiciyey ee ku yaalla magaalada Gaarisa loo oggolaado ay ku xiran tahay.

Heshiiska ayaa iminka galey wejigiisa labaad oo ku dhow heer gabagabao ah,iyadoo dagaallada iyo rabshadaha labadan beelood u dhaxeeya oo soo noqnoqdey ayaa laga yaabaa inay tani keento in lagu soo afjaro halkaas.

Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com