Isbahaysiga Garabka Djibouti oo Sheegay Inay Wada Hadal Uga Baxeen Ciidamada Itoobiya G.Hiiraan
Djabuuti SSMC-Isbaheysiga dib xoreynta garabka Jabuuti ayaa war saxaafadeed ka soo saarey bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Gobolka Hiiraan,waxayna warkooda ku sheegeen in bixitaanka Ciidamada Itoobia qeyb ka tahay heshiiska ay la galeen dowlladda kumeelgaarka soomaalia.
War Saxaafadeedkooda ayaa sidan u qoran:
Warsaxaafadeed ku Saabsan ku Saabsan ka Bixitaanka Ehthioipa ee Gobolka Hiiraan.
Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu soo dhaweeynayaa ka bixitaanka ciidamada Ethiopia Gobolka Hiiraan,waxaa uuna caddeynayaa in guuritaankaan ugu dambeeyey ee ay ciidamada Ethiopia uga guureen gebi ahaanba Gobolka Hiiraan inuu ku yimid wadahadal iyo dadaal dheeraad ah uu bixiyey Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya ,gaar ahaan guddiga nabadgelyada.
Waa Allah mahadii haddii uu maanta G.Hiiraan madax banaan yahay culeyskii ciidamada Gumeysigana laga dulqaaday,dadweynihii barakacayna ay bilaabeen inay Guryahoodii dib ugu soo noqdaan si ay noloshoodii caadiga ahayd dib uga bilaabaan halkaasi.
Isbahaysiga oo ka tacsiyadaynaya wixii dhib ah ee soo gaaray dadweynaha G.Hiiraan intii ay ciidamda gumeysiga ah ku sugnaayeen Gobolkaasi,waxaa uu ammaan iyo bogaadinba u jeedinayaa xooggaga muqaawamada ee u dhabar adeygay sidii ay dalkooda,dadkooda iyo diintoodaba u badbaadin lahaayeen, waxa uu dadweynaha Gobolka iyo masuuliyiintoodaba ugu baaqayaa inay sugaan nabadgelyada guud,soona celiyaan nidaamkii iyo kala dambeyntii Gobolka ka jirtay intii aysan soo gelin Gobolka ciidamada Gumeysiga.
Gobolka Hiiraan waxa uu u baahan yahay dib u dejinta dadkii barakacay iyo taakuleyntooda ee uma baahna in laga shaqeeyo sidii colaad joogta ah loogu hayn lahaa, sidaasi darteed Isbahaysigu waxa uu ugu baaqayaa dadweynaha G.Hiraan iyo madaxadootdaba inay gacmaha is qabsadaan kana shaqeeyaan horumarinta danaha guud,dhegna aysan jalaq u siinin weedha xun ee ka soo yeereysa kuwa aan xilkaska ahayn.
Isbahaysiga waxa uu ugu baaqayaa kuwa wajiga cusub ee dadweynaha lagu waxyeelleeynaya la soo baxay ee kaga mashquulay hadafkii weynaa ee la isgu yimid xaqiijinta danahooda gaarka ah sida carqalateynta duulimaadyada rayidka,ka shaqeynta khilaafka iyo ku jahawareerinta bulshada erayo u adeegaya danaha cadwga Soomaaliyeed inay Allahooda ka cabsadaan,qaderiyaanna marxaladda uu maanta dalku maryo ee u baahan wada jir, ismaqal iyo kala dambeyn,ayna ogaadaan haddii aysan ka waantoobin falalka aan u adeegeynin danaha guud ee shacabka in laga tashan doono.
Ugu dambeyntii Isbahaysigu waxa uu Hay’adaha samafalka Soomaaliyeed iyo kuwa caalamkaba ugu baaqayaa inay gargaar iyo samafalba la soo gaaraan bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan guud ahaa , Gaar ahaan kuwa ku dhaqan G.Hiiraan si ay uga soo ka bsadaan burburkii iyo barakacii gaaray xilligii Ciidamada cadawga ku sugnaayeen halkaasi, iyadoo uu Isbahysiga caddeynayo in Gobolkaasi ay maanta ka jirto nabadgelyo la isku haleyn karo oo ay horsed ka yihiin guddiga Gobolka.
Warqabadka SSMC Somalia
Aadam Cusmaan
Bokoola@hotmail.com
* Filed Under:
Wararka Maanta
* add new comment »


