Maamulka Magaalada Kismaanyo oo Saaka Xixirey Dad Tukanaya Salaadda Ciidda

10/01/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Kismaanyo SSMC-Maamulka Islaamiga ee ka arrimiya magaalada Kismaanyo ayaa saaka joojiyey dad maanta  tukan lahaa Salaadda Ciidulfitriga,iyadoo taas sabab uga dhigey inay khilaafeen maamulka oo shaley ku baaqey inay maalin ciida ay tahay.

Waxaa la soo qabtey oo la xirxirey culumada hoggaamineysa dadka aaminsan inay maanta tahay maalinta koowaad ee ciidda ah,waxaana meelaha dadka laga soo xirey ka mid ah xirta sheekh Cali Geelddoon iyo Masaajidka Xaaji Jaamac.

Waxaana la xirxirey culumada jameecaddaas hoggaamineysa,inkasta oo markii dambe la soo daayey,waxaana lagu ballamey in lagu kala baxo kitaabka iyo sunnada nebiga (CSWW).

Maamulka magaalada Kismaanyo ayaa hore uga digey inaan la khilaafin maalmaha ciidda iyo maalinta ramallaanka ugu horreesey;Khilaaf diimeedka ayaan ku koobneyn magaalada Kismaanyo iyadoo Gobollo badan ay dadku shaley iyo maanta kala ciideen,inkasta oo ay aqlabiyadda dadku ay sheley ciideen.

Dhinaca kale maamulka Kismaanyo ayaa ku dhawaaqey inay meel dejin doonaan dadkii laga barakiciyey Kaniisadda shaley la dumiyey ee dhulka lala simey,iyagoo sheegey inay meel deegaan ah ay u sammeyn doonaan qaxootiga laga saarey halkaas.

Warqabadka SSMC Somalia

 

Aadam Cusmaan

 

Bokoola@hotmail.com