Roobab Ka Da’ey Deegaanno ay Abaaro Ka Jireen ee Gobolka Sh/Hoose.

10/02/08
Aadan Cusmaan - SSMCFormat for printing    

Sh.Hoose SSMC-Roobab lagu diirsadey ayaa  ka da’ay deegaanno ay abaaro ka jireen ee Gobolka Sh/Hoose halkaasi oo dadka ku nool ay saaka u dareereen abuurashada  Beeraha;Abaaro iyo Jiilaal dabadheeraadey oo ka jiray degmada Wanlaweyn iyo deegaanno hoos taga ee Gobolka Sh/Hoose ayaa waxaa xaley ka curtay Roobab Mahigaan ah oo si weyn looga  diirsaday deegaanadaas.
 
Roobabkan oo xaley da’ayey ku dhawaad 6-saacadood oo xiriira ah ayaa waxaa ay buux dhaafiyeen Waro Biyoodyada deegaanadaas oo  in mudo ah marnaa,isla markaasna waxaa ay dadka deegaanadasi sheegeen inay saakey ka go’doonsan yihiin degmada Wanlaweyn oo ay waayeen  meel ay u soo maraan,iyadoo meelwalba ay Biyo ka buuxaan.

Dadka iyo duunyada ku nool Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada ay ka curteen Roobabka Dayrta ah ayaa ku diirsaday,waxana ay dadku bilaabeen inay u dareeraan tacbashada beeraha.
 
Daruuraha Roobka xambaarsan ayaa waxaa ay yihiin kuwo dul hoganaya degmada Wanlaweyn iyo guud ahaan Gobolka Sh/Hoose waxaana xaley illaa saaka la arkayey  iftiinka hilaaca Roobkaasi.
 
 Warqabadka SSMC Somalia
 Aadam Cusmaan
 Bokoola@hotmail.com